Puntland Oo Go'aan Adag Ka Qaadatay Gaadiidka Ka Yimaada Koonfurta Somalia & Galmudug Oo Ka jawaabtay

0
Friday August 26, 2016 - 13:12:01 in by Burco Office
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Go'aan Adag Ka Qaadatay Gaadiidka Ka Yimaada Koonfurta Somalia & Galmudug Oo Ka jawaabtay

    Maamulka Puntland ayaa shalay soo saaray go'aan ku aaddan in bisha soo socota kowdeeda ay degaannada Puntland mamnuuc ka yihiin baabuurta ka imaan jiray Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland ayaa shalay soo saaray go'aan ku aaddan in bisha soo socota kowdeeda ay degaannada Puntland mamnuuc ka yihiin baabuurta ka imaan jiray Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Camey ayaa lagu sheegay in gaadiidka badeecadaha iyo xoolaha ka keena Somalia iney magaalada Gaalkacyo ka kala wareegi doonaan laga bilaabo 1da bisha soo socota.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in amarkan uu la xiriiro sababo dhinaca amaanka ah, waxaana la faray dhamaan heyadaha uu khuseeyo ee Puntland lagu amray iney fuliyaan go’aankan.

Dhinaca kale, Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa si kulul ga jawaabay amarka ka soo baxay Puntland oo uu ku tilmaamay mid caqabad ku ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool labada maamul.

"Haddii go’aankan lagu adkeysto waxaa dhici doonta in la yiraahdo dadka iyo badeecada ka imaanaya Puntland in iyana markooda laga joojiyo koonfurta Somalia” ayuu yiri wasiirka Dastuurka dowladda Galmudug oo maamulka Puntland ugu baaqay inuu ka laabto go’aankan, hadii kale ay qaadi doonaan masuuliyada cawaaqib xumada ka timaada.