Guddiga Doorshada Somaliya Oo Ka Warbixiyay sida ay u socdaan Hawlaha Doorashada 2016-ka+SAWIRRO

0
Friday August 26, 2016 - 13:37:04 in by Burco Office
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Doorshada Somaliya Oo Ka Warbixiyay sida ay u socdaan Hawlaha Doorashada 2016-ka+SAWIRRO

    Waxaa shir jaraa'id shalay Muqdisho ku qabtay guddiga Federaalka ah ee Hir-gelinta Doorashooyinka Dadban ee Sannadkan 2016-ka (GFHDD), kaasoo ay ug hadleen qorshaha doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo bilaha nagu soo wajahan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa shir jaraa'id shalay Muqdisho ku qabtay guddiga Federaalka ah ee Hir-gelinta Doorashooyinka Dadban ee Sannadkan 2016-ka (GFHDD), kaasoo ay ug hadleen qorshaha doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo bilaha nagu soo wajahan.

 

Guddomiyaha GFHDD, Avv. Cumar Maxamed C/lle [Dhageey], ayaa sheegay inay shirka jaraa’id ay u qabteen sidii bulshada Soomaaliyeed ay ula socod siin laahayeen halka uu marayo qorshe-howleedka doorashada 2016-ka.

Sidoo kale, Guddoomiye Dhagey ayaa sheegay inay Guddiga u suuro-gashay inay u qabsooman hawlo badan tan iyo markii ay si rasmi ah u gud-agaleen hawshii loo ig-maday, qorshahooduna uu ku socdo sidii loogu talo-galay.

Guddomiyaha ayaa intaas ku daray in bishan lagu jiro ee Ogoosto 15-keeda illaa 17-keeda, ay Muqdisho kusoo gaba-gabeyeen kulan Xog-wadaag ah oo socday muddo saddex casho ah, kaasoo u dhexeeyay GFHDD iyo Guddiga maamul-gobaleedyada doorashada dadban (GDGDD), kuwaasoo ka kala socday Somaliland, Puntland, Jubbaland, Koofur-galbeed, Galmudug iyo Hiraan/Shabeellaha Dhexe.

Ugu dambeyn, Cumar Dhagey ayaa sheegay in Guddigu billaabay in madax-dhaqameedyada uu u qabto wacyi-gelin ku saabsan habka lagu soo xulayo xildhibaannada. Wuxuuna xusay in ergada soo xulayaan madaxda dhaqanka iyagoo kala tashanaayo odayada jufooyinka.