Madaxweynaha Somaliland oo xilkii ka qaaday Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Teknoolajiyada Somaliland

0
Tuesday June 03, 2014 - 17:18:06 in by Super Admin
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo xilkii ka qaaday Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Teknoolajiyada Somaliland

    Warsaxaafadeed Goor Dhoweyd ka soo Baxay Madaxtooyada oo ku saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyadu aya lagu sheegay xil ka qaadista Wasiirka Waxanu u dhigna sidan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaafadeed Goor Dhoweyd ka soo Baxay Madaxtooyada oo ku saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyadu aya lagu sheegay xil ka qaadista Wasiirka Waxanu u dhigna sidan

WAR-SAXAAFADEED-Date: - 03/06/2014

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2544/062014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradaasi u soo magacaabi doonaa wasiirCusub insha allaa.

Ujeedo: Xil-ka Qaadis


Ku: Mudane, Aaden Axmed Warsame,
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda

Mudane,

Ka-dib dhibaatooyin iyo cabashooyin is daba jooga ah iyo hufnaan la’aanta shaqo ee aad ka muujisay xilka aan kuu magacaabay. Haddaba, xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.



ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.