Wiil la dhashay Mo Farah oo loo soo tarxiilayo Soomaaliya+Sawiro

0
Sunday August 28, 2016 - 16:04:14 in by salman abdi
  • Visits: 1561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil la dhashay Mo Farah oo loo soo tarxiilayo Soomaaliya+Sawiro

    Warbaahinta dalka Britain ayaa si weyn warbixino uga qoraya Qorshe ay Dowlada Britain ku dooneyso in ay dalkaasi uga soo musaafuriso Wiil Dhalinyaro ah oo la dhashay Orodyahanka Dunida caanka ka ah ee Mo Farah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta dalka Britain ayaa si weyn warbixino uga qoraya Qorshe ay Dowlada Britain ku dooneyso in ay dalkaasi uga soo musaafuriso Wiil Dhalinyaro ah oo la dhashay Orodyahanka Dunida caanka ka ah ee Mo Farah. Axmed Farah oo 27-sano jir ah ayaa soo dhameestay xabsi afar sano iyo bar ah oo horey loogu xukumay, kadib markii lagu helay dambi ah in uu weerar midi loo adeegsaday isaga iyo koox kale dhibaato qof ugu geesteen.
Wiilkan la dhashay Mo Farah ayaa hada wajahaya cabsi la xariirta in laga soo tarxiilo dalka Britian uu kunoolaa inta badan noloshiisa, waxaana laga cabsi qabaa in wiilkan isaga oon raali ka aheyn Soomaaliya lagu soo celiyo.
Ahmed Farah ayaa dalka Britain la geeyay isaga oo 2-sano jir ah, waxa uuna sheegay in uusan nolosha Soomalaiya waxba ka aqoon uuna ka cabsanayo in la dilo noloshiisana qatar ay gasho hadii lagu celiyo Soomaaliya.
''Waxaan dareemayaa cabsi badan , waxaan u baqayaa in nolosheeda aan waayo hadii Soomaaliya la igu celiyo, waxaan ogahaya in aan ku bad badai karin halkaasi waa meel qatar ah oo waxkasta is badalaan'' Ayuu yiri Ahmed Farah oo la hadlay Wargeyska Sunday Mirror.
Dowlada Britain gaar ahaan Waaxda Socdaalka dalkaasi ayaan wali go'aan ka gaarin Kiiska Axmed Farah oo la hadal hayo in Britain laga soo musaafurinayo, waxaana warkan si weyn u baahinaya Wargeysyada Britain oo sheegay in uu socdo Qorshe wiilkan Axmed loogu soo celinayo.
Mo Farah oo ah walaalka ninkan laga cabsi qabo in Soomaaliya lagu soo celiyo ayaa gudaha Britain iyo caalamka ku heesta taageerayaal badan iyo sumcad, waxa uuna Tartankii dhawaan lagu qabtay Brazil uu ku guuleestay labo Bilad oo dahab ah.