Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Miino Oo Ka Dhacay Gudaha Dalka Kenya.

0
Monday August 29, 2016 - 08:55:09 in by salman abdi
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Miino Oo Ka Dhacay Gudaha Dalka Kenya.

    Hal qof ayaa ku dhintay miino ku kacday gaari marayay inta u dhexeysa Raskiamboni iyo Kiunga shalay galinkii dambe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hal qof ayaa ku dhintay miino ku kacday gaari marayay inta u dhexeysa Raskiamboni iyo Kiunga shalay galinkii dambe.


20168286360794823448406901410319_0

Wadaadka lagu magacaabo Maxamed Shima ayaa ku dhintay isla meeshaa. Askari booliis ahaa oo safarka ku weheliyay ayaa asagu ka badbaaday qaraxaa iyo rasaas ka dambeysay oo lasheegay in lagu furay. Askarigaa ayaa dhaawac ahaa markii uu goobtaa ka baxsaday.

Raskiamboni waxay qiyaastii u jirtaa 4 km saldhigga booliska ee Ishakani ee deegaanka Kiunga, ee degmada Lamu.

Hal qof oo lagu tuhmay inuu lug ku lahaa falkaa ayaa lasoo xiray waa sida hadalka loo dhigaye. Qori AK47 ahna waa lasoo helay.

Gaariga qaraxu burburiyay ayaa waxaa lahaa dawlda Kenya. Haatan ayaa dambibaareyaal ay ku hawlan yihiin baaritaano dhacdadaa la xiriira.