War Deg Deg:Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo saakay Shaqo joojin sameeyay iyo Sababta ka Dambeysa

0
Monday August 29, 2016 - 11:06:26 in by Burco Office
  • Visits: 769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo saakay Shaqo joojin sameeyay iyo Sababta ka Dambeysa

    Wararka aan ka heleyno garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdishp ayaa sheegaya in shaqaalaha Shirkada Favori ee ka howlgala garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ay saakay sameeyeen shaqo joojin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdishp ayaa sheegaya in shaqaalaha Shirkada Favori ee ka howlgala garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ay saakay sameeyeen shaqo joojin.

Shaqaalaha ayaa la sheegay in ay ka cabanayeen xaquuq la'aan iyo dhibataooyin kale oo heesta, waxa ayna saakay sameeyeen in ay shaqada joojiyaan taa oo dhibaato badan ku keentay howlihii caadiga ahaa ee garoonka ka socday.

Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ay sameeyeen shaqo joojin mudo kooban socotay balse markii dambe arintaas ay xailiyeen.

Waxa uu xusay Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha in Shaqaalaha ay ka cabanayeen xaquuq ka maqan iyo dhibaatooyin kale oo heesta isla markaana ay ku qanciyeenin xaquuqdooda helayaan kana codsadeen in ay dib ugu laabtaan shaqooyinkooda .


Shaqaalaha garoonka Aadan Cadde ayaa ka cabanayay dhibaatooyin badan oo ay kala kulmayeen Shirkada maamusha garoonka ee Favori, waxa ayna shaqaalahan ay sheegeen in aysan wax xaquuq ah laheyn ayna dhibaatooyin badan iyo gumeesi kala kulmaan madaxda shirkada Favori.