Kumanaan Tahriibayaal ah ay ku jiraan Soomaali oo laga bad baadiyay Xeebaha Liibiya+Sawirada

0
Tuesday August 30, 2016 - 12:08:15 in by Burco Office
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumanaan Tahriibayaal ah ay ku jiraan Soomaali oo laga bad baadiyay Xeebaha Liibiya+Sawirada

    Maraakiibta Dowlada Talyaaniga ayaa xeebaha u dhaxeeya Wadamada Liibiya iyo Talyaaniga waxa ay ka badbbaadiyeen Kumanaan qof oo Thariibayaal ah una badnaa dad kasoo jeeda Wadamada Ereteria iyo Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraakiibta Dowlada Talyaaniga ayaa xeebaha u dhaxeeya Wadamada Liibiya iyo Talyaaniga waxa ay ka badbbaadiyeen Kumanaan qof oo Thariibayaal ah una badnaa dad kasoo jeeda Wadamada Ereteria iyo Soomaaliya.
Hay’adda ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in maalintii shalay ciidamada Badda dalka Talyanaiga soo bad baadiyeen Tahriibayaal gaaraya 6500 oo qof, dadka lasoo bad baadiyay ayaa qarakood saarnaa doonyo ciladoobay.

Howlgalo ay ciidamada Badda Talyaaniga sameeyeen ayaa lagu soo bad baadiyay Kumanaan dad ah ay ku jiraan caruur aad u yar yar iyo haween, waxaana dadkan ay kusii jeedeen qaarada Yurub gar ahaan wadanka Talyanaiga oo marin usii ah.

Dalka Talyaaniga ayaa la sheegay in sanadkan kaliya ay gaareen dad gaaraya 112 000 kun oo qof oo badankood ay ka galeen dhinaca badda dalka Liibiya, waxaa sidoo kale badda ku dhintay kumanaan kale oo oonayay in ay gaaraan Qaarada Yurub.