Aas Qaran oo Ceerigaabo loogu Sameeyey Marxuum Prof:Maxamed Siciid, oo xalay saqdii dhexe ku geeriyooday magaalada ceergaabo iyo Suldaan Cali Ducaale oo ka warramay Taarikh nololeedki Marxuumka

0
Wednesday June 04, 2014 - 10:13:56 in by Super Admin
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aas Qaran oo Ceerigaabo loogu Sameeyey Marxuum Prof:Maxamed Siciid, oo xalay saqdii dhexe ku geeriyooday magaalada ceergaabo iyo Suldaan Cali Ducaale oo ka warramay Taarikh nololeedki Marxuumka

    Alle Haw Naxariistee waxaa Maanta Magaalo Madaxda gobolka Sanaag Ceergaabo Si heer qaran ah oo aan loo kala hadhin loogu Aasay Prof: Marxuum Maxamed Siciid, oo xalay saqdii dhexe ku geeriyooday magaalada ceergaabo kadib xanuun mudo uu dhul yaal la a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle Haw Naxariistee waxaa Maanta Magaalo Madaxda gobolka Sanaag Ceergaabo Si heer qaran ah oo aan loo kala hadhin loogu Aasay Prof: Marxuum Maxamed Siciid, oo xalay saqdii dhexe ku geeriyooday magaalada ceergaabo kadib xanuun mudo uu dhul yaal la ahaa.


Siweyn ayaa looga wada dareemay guud ahaanba gobolka sanaag Alle haw naxariistee geerida Marxuum Maxamed Siciid.


Weriye Abdirisaq Terra oo taariikh nololeedkii marxuumka wka waraystay Suldaanka Guud ee beelaha Haryoonis Bari Suldaan Rashiid Suldaan Cali Ducaale, suldaanka iyo marxuumka ayaa ahaa dhalintii mar wada kacaantay ee baalka dahabka ah ka galay Tacliintii Dalkii laysku oran jiray Somalia, waxaanu Suldaanku Yidhi:


"Alle haw naxariistee waxa uu marxuumku ku dhashay Deegaan xeebeedka Laasa-surad, gaar ahaan goobta loo yaqaano "Caadhmire", sanadii 1952kii, Maxamed Siciid Alle haw naxariistee waxa uu malcaamad quraanka ka galay magaalada ceergaabo 1960, Dugsigiisi hoose waxa uu ku qaatay magaalada ceerigaabo oo ka galay sanadii 1961, kolkii uu ka baxay dugsigiisi hoose waxa marxuumku dugsigiisi dhexe ku qaatay magaalada Oodweyne 1965kii.
kadib waxaa marxuumku waxa uu galay dugsigii Sare ee Camuud ee magaalada Boorama.


Maxamed Siciid waxa uu ahaa arday qiimo badan oo runtii xariif ku ah waxbarashada inta la og yahayna weligii kama uu dhicin gireedhka koowaad, waana la majeeran jiray, kadib kolkii uu ka baxay sanadii 1971kii dugsigii sare ee camuud waxa uu galay jaamacadii Lafoole ee muqdisho halkaaso u sanad dhiganaayey Tababarkii macalinimo, sanadkaasi kadib waxa loo diray laba sano oo ah shaqo qaran, markii uu soo dhamaystayna, dib ayuu ugu soo laabtay jaamacadii Lafoole halkaasi oo uu kasii watay waxbarshadiisi.


Waxa uu ahaa halyey jecel in dadku ka baxaan fakhriga oo cilmiga loo wada dareero taaso uu aaminsanaa inay tahay tan keliya ee lagu baahi bixi karo.
Sanadii 1984kii Marxuumka iyo rag kale oo qiimo badani waxay ahaayeen ragii xukuumadii afweyne u taxaabtay Xabsigii Gaal-Shire, taaso markii dambe rabi kasoo furdaamiyey.


Maxamed Siciid waxaa uu kamid ahaa Gudidii dhalinyarada gobolka Sanaag ee kaalinta wax ku oolka ah ka qaatay kor u qaadida horumraka, isku xidhka dhalinta iyo kor u qaadida waxbarashada, sidoo kale waxa uu kamid ahaa gudidii xoolo uririnta soomaali galbeed, mudo badana waxa uu ahaa gudoomiyihii qaban qaabada Ciyaaraha.


waxa uu ahaa Alle haw naxariistee nin dadku wada jecel yahay oo aan kala sooc-soocin aadmiga.
Baal taariikhiya waxa uu kaga jiraa taariikhda wakhtigan waxa uu ahaa isaga iyo rag kale oo maanta inaga hooseeyaa ragii suurtageliyey iyadoo dalku holcaya in ceergaabo wax lagu barto, maanta waxa uu ahaa Aasaasihii Jaamacada Gobolka Sanaag ee maanta lagaga maarmay waxbarashadii loo doonan jiray meelaha fog fog.


Alle hawnaxariistee Marxuum Maxamed Siciid waxa uu ahaa Nin Aamus iyo Ededaab badan oo aad uxishood badan, dadkana xeeriya , Cibaadadana aad ayuu ugu fiicnaa. ayu hadalkiisa ku so xidhay suldaanku.


Inalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.