Dhiirigelinta Dhalinyaradda !!!!W/Q:Dr. Maxamuud Cali Yuusuf (Dr Madhaafaan

0
Thursday September 01, 2016 - 15:45:56 in by salman abdi
  • Visits: 1307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhiirigelinta Dhalinyaradda !!!!W/Q:Dr. Maxamuud Cali Yuusuf (Dr Madhaafaan

    Dhalinyarada marka aynu ka hadalno waxaynu og nahay inay yihiin xoogga iyo dhimaha wax soo saar ee uu dal leeyahay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalinyarada marka aynu ka hadalno waxaynu og nahay inay yihiin xoogga iyo dhimaha wax soo saar ee uu dal leeyahay,

horumar kasta oo dad iyo dalgaadhaba waxa kow ka ah dhalinyarada dalkaasi oo fahmay masuuliyadda ka saran waalidkooda iyo qarankoodda,sidaasi daraadeed waxan jecelahay in aan ka hadlo dhawr qodob oo iskugu jira caqabadaha iyo fursadaha ay haystaan dhalinyarada reer Somaliyeed.


1: kow hadii aynu ku horeyno fursadaha ay haystaan dhalinyarada reer Somaliyeed waxa ka mid ah

(a)Maanta waxay haystaan fursado ah inay waxbarashadooda sare u qaadaan oo horumarin balaadhan oo dhinac kaste leh, oo maanta xitaa marka laga yimaado jaaamcadaha faraha badan ee maanta dalkeenu leeyahay inxitaa ay waxbarashadooda ay ka bilaabi karaan internet-ka oo maanta aad ka helayso waxbaarsho kasta oo aad u baahan tahay,ilaakiin u baahan oo kaliya in wakhti la siiyo,sidaasi awgeed waxaan idiin soo jeedinayaa in aad dhalinyarooy ka faa’iidaysataan waxbarashada aad haysataan ee aysan helin dhalinayaradii idinka idinka horeysay,marka waa inaad fursadahaasi oo dhan ka faa’iidaysataan.

(b)Qodobka labaad inta badan dhalinyaradu waxa ugu weyn ee ay ka cawdaan waxa ka mid ah shaqo la’aan baahsan oo dalka ka jirta,hadaba side ayey dhalinyaradu uga bixi kartaa shaqo la’aanta oo ay u heli karaan fursado shaqo,runtii waa xaqiiqo jirta in shaqo la’aani jirto laakiin taasi macnaheedu maaha in dhalinyaradyu aysan heli Karin shaqooyin ,balse shaqadu runtii waa hadba sida uu qofku ka dhigto,waayo hadii uusan qofku garaneyn meesha uu ka yimid iyo meesha uu u socdo waa mushkilad weyn oo haysata qofka,marka hadii dhalinyaradu tidhaahdo waxaanu doonaynaa shaqo hadana shaqo aan ahayn xafiis ma qabanayo taasi macnaheedu waxa weeyi shaqo uma baahni,marka horta runtii waa in inagu aynu xaqiiqda isku sheegnaa oo runta istaabsiinaa si aynu waaqaca u waajahno ,sidaasi daraadeed dalkiinu waa dal yar oo khayraadkiisu dihin yahay oo u baahan in loo fikiro sidii loola soo bixi lahaa oo maskax iyo muruq badan la gelin lahaa,marka dhalinyarooy waxaan idinku waaninayaa inaad shaqo kasta oo aad heshaan qabataan oo weliba ku fikirtaan side shaqadaasi aad u sii horumarin lahaydeen,oo tusaale hadii shaqo ama xirfad welibeedba si gaar ah loogu soo shaqeynayey isku day inaad wax ka bedesho oo aad kobciso shaqadaasi si aad macmiil badan u yeelataan,tusaale kale hadii aad shaqo ka hesho macmacaanle lagu shiido saytuunka,liinta iyo wixii la mid ah isku day inaad sameyso sharaab ka kooban dhamaan khudaarta ay haysato,taasi waxay horseedaysa inaad kasbato macmiil badan iyo sumcad aad meheradaadii u sameyso,marka shaqadu waa hadba sida uu qofku u doono ee uu u dadaalo,sidoo kale ugu dhiirado in uu qofku shaqo kasta uu aamino oo uu ka shaqeeyo,runtiina hadii aad sidaasi sameysaan wax badan ayaa is bedelaya.

(c)Qodobka sedexaad waxa weeyi in dhalinyaaradu aqoontooda ay maalaan oo ay wax dadka iyo dalkaba ugu soo kordhiyaan,oo hadii aad tahay qof ku wanaagsan It-ga isku day inaad ikhtiraacdo wax cusub oo aad ku soo kordhiso dadkaaga iyo dalkaagaba,hadii aad tahay qof bartay cilmiga kimistariga isku day inaad wax badan ka fikirto sidii aad wax cusub u soo saari lahayd waayo taariikhda aduunka marka aynu dib u raacno rag bay ahaayeen kuwii ikhtiraacay laydhkii ugu horeeyey ee bili-adam sameeyo,rag bay ahaayeen kuwii ikhtiraacay sameynta hubka noocyadiisa kala duwan,ragbay ahaayeen kuwii ikhtiraacay dawooyinka maanta xanuun kasta lagu daweeyo,sidaasi oo kale waa inaad u fikirtaan dhalinyarooy.

(d)Qodobka ugu danbeeya waa inaad dhalinyaro ahaan isku duubnataan oo mid aad noqotaan oo aad is taageertaan si guulaha la hiigsanayo dhamaantood aad u gadhaan,hore ayey soomaalidu ugu maah maahday far kaliyahi fool kaliya ma dhaqdo.

2: marka laga hadlayo caqabadaha hortaagan dhalinyarada waxaynu ka xusi karnaa dhawr qodob oo ay ka mid yihiin

(a)Balwada oo ah shay xun oo maanta la hadhay boqolaal dhalinyaro oo isticmaala balwadaha xun xun ee ay ka mid ka yihiin Qaadka iyo Sigaarka oo ah dhibaato weyn oo maanta haysata dhalinyarada reer Somaliyeed

(b)Qabyaaladda oo ah iyaduna xanuun ba’an oo bulsahda ku dhaca ayaa dhalinayaradii dalka sameeyey oo waxay u kala fadhiyaan kooxo reer hebel ah,taasina runtii waa mushkilad weyn laakiin waa wax si fudud lagaga bixi karo,hadii dhalinyaradu gacmaha is qabsadaan meel ay joogaanba.

(c)Qodobka sedexaad waxa weeyi isku filaanshiyo la’aanta dhinaca dakhliga oo waxa laga yaaba in qofka dhalinyarada ah ay caqabad ay ku noqoto in uu galo jamacada oo hadii uusan heleyn fiiga jaamacadda dee marka gelimaayo jaamacadii oo halkaasi ayuu kaga hadhaaya jaamacadii iyo in uu sii wado tacliinta sare,taasina waa caqabad laakiin waa mid lagaga bixi karo hadii dhalinyaradu wax badan ka bedelaan fikirkooda iyo hankooda ku saabsan in aysan dhalinayaradu waxba qabsan Karin,marka hadii la doonayo in caqabadaana laga gudbo waa in marka hore dhalinyarada ay ka go’an tahay inay qabtaan shaqo kasta sidaynu hore u tilmaanay,waayo waxaynu og nahay in caalamka uu madaxweyne ka noqday qof ay shaqadiisu ahayd baalashle tusaale ahaan madaxweynihii hore ee dalka Braziil Luis Lula Da Silva,waxa uu iskuulka iskaga tegay isagoo ah 12 markii uu waayey cid ka bixisa fiiga iskuulka laakiin markii uu mudo ka xoogsaday shaqada baalashka ayuu dib ugu noqday iskuulkii ,waxaanu ahaa madaxweyne wax badan ka bedelay fikirkii dunida kale,waxa uu laba jeer madaxweyne ka noqday dalka Braziil isagoo ka guulaystay rag badan oo tujaar ahaa oo la tartamayey,dalkiisa brazil wuxuu u horseeday horumar balaadhan oo la taaban karo iyo isbedel dhab ah oo uu ku sameeyey nolosha dalka Braziil,marka dhalinyarooy ogaada oo maanka ku haya in shaqo kasta oo aad qabato aad guul ku gaadhi karto hadii aad dadaasho isla markaana aad ka midho dhaliso hadafkaaga iyo yoolkaaga.


W/Q:Dr : Maxamuud Cali Yuusuf (Dr Madhaafaan)