Mansadan barduul waxey la xidhiidhaa silsiladii garbo diir ee uu daah furey abwaan axmed awgeedi. Maaansadan waxa curiyey xildhibaan maxamed faarax qabil

0
Sunday February 02, 2014 - 21:41:53 in by Super Admin
  • Visits: 1284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mansadan barduul waxey la xidhiidhaa silsiladii garbo diir ee uu daah furey abwaan axmed awgeedi. Maaansadan waxa curiyey xildhibaan maxamed faarax qabil

    Mansadan barduul waxey la xidhiidhaa silsiladii garbo diir ee uu daah furey abwaan axmed awgeedi. Maaansadan waxa curiyey xildhibaan maxamed faarax qabile, manta oo ay taariikhdu tahey 02/01/2014.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afka Shacabka
Mansadan barduul waxey la xidhiidhaa silsiladii garbo diir ee uu daah furey abwaan axmed awgeedi. Maaansadan waxa curiyey xildhibaan maxamed faarax qabile, manta oo ay taariikhdu tahey 02/01/2014.
Waa maansadii labaad ee uu kaga qayb qaadanayo silsilada garbo diir waana Mansadan barduul waxey la xidhiidhaa silsiladii garbo diir ee uu daah furey abwaan axmed awgeedi.

Maaansadan waxa curiyey xildhibaan maxamed faarax qabile, manta oo ay taariikhdu tahey 02/01/2014. Waa maansadii labaad ee uu kaga qayb qaadanayo silsilada garbo diir waana tan hoos ku qoran:

1. Abaar duug ma reebta ah
2. Duunyadu xumaatiyo
3. Deegaan gabaabsiya
4. Darka ceel ka dheer yahey
5. Dirgan waayey geelii
6. Deylo geeri badisoo
7. Degelada bakhtigu yaal
8. Dadku xagalka daacoo
9. Warwar dacalka saareen
10. Allaa deeqda bixiyee
11 Deydo curashadeedii
12. Onkod diriirig leeyiyo
13. Hilaaca isku soo darey
14. Dalsankii intuu helay
]15. Dhulka uu ka simey doog
16. Nimco laga durduurtiyo
17. Degmadu nabad u taaloo
18. Wax dureeya lagu arag

19. Maalkuna u dararoo

20. Laga duugo caanaha

21. Ooy deris wanaagiyo

22. Deganaan ku noolyiin

23. Dadku damasha waaweeyn

24. Ku dingiigsadeenoo

25. Sibraaradu dulsudhanyiin

26. Dermo ciidu tahayoo

27. Ku gam’aan danqaw la’i

28. Oo bahal wax didiyiyo

29. Dugaaguna ka haajirey

30. Daaal tirashadeedaa

31. Sida loogu doogsado

32. Deeleyda socotee

33. Dawankeedu baxayaa

34. Aleylehe digbey tidhi

35. Ninba doorkii ka ciyaar

36. Dabaeylaha cirkee kacey

37. Mid xanbaarsan daaf’iyo

38. Dawo sidadu kala roon

39. Abwaanada dibnaha furey

40. Daajinaaya maansada

41. Sida dirirka cawleed

42. Laagaha durdurayee

43. Dambarsame ku xoogsadey

44. Halka wabigu kaga daro

45. Deymada layaabka leh

46. Ishaa daalka tiratee

47. Anna waxan ku diirsadey

48. Daadihintan quruxdale

49. Danta guud ujeedada

50. Daafaceeda qarannimo

51. Inuu sahanku dooyada

52. Ku degaayo meelwacan

53. Iney dararto maandeeq

54. Ku duwaan hirdoogloo

55. Inta ay ka dideysiyo

56. Dakharada ka bi’iyaan

57. Dani seeto weeyee

58. dhakhso loogu daadego

59. halkey deri ka leedahey

60. inkastoo nin diric yahey

61. diwaanada ku qoranyahey

62. dusha sare markuu koro

63. dadku darajo saaraan

64. caleemaha ku daadshaan

65. ama noqey duq qiimole

66. waayo arag dedaal badan

67. dulqaad iyo hubsiimo leh

68. xogta dabagalkeediyo

69. doorba garashadiisa leh

70. waxa jira dul & hoos

71. xalin kara duruufaha

72. hareeraha ka daah furey

73. ama noqey mid dib’u dhiga

74. ka sii dara wixii hore

75. dadka kala dirkiisyo

76. kala daadsanaan dhala

77. ka habaabsha dawgoo

78. dadeeys ka sii rida

79. anna waxanku daba karey

80. inta aan daluun dheer

81. baadidoonka laga dayin

82. dalandoolka geediga

83. danwadaagtu kala socon

84. duurka aaney kala xulin

85. duufaaanadoo kacey

86. baaqigu is deydayin

87. waxa iga dardaarana

88. dhegahii daloolaa

89. garoo hadalku deeqaa

90. dalqo bahal adoo galey

91. dirqi shaleyto kaga baxey

92. bulshooy raadkii dib u raac

93. halkii lagugu dagi jirey

94. manta waad dul joogtaa

95. taariikhda duuga ah

96. wax diiwaanka kuu gala

97. qarankana difaac u’ah

98. umaddana daryeel ule

99. tabashada daweyn u ah
100. kala duruga nololeed
101. dabaqado ka bi’nkara
102. Deeqaha xafidi kara
103. musuq dabar ka noqon kara
104. sharcigana daliil ku leh
105. maansadan barduul u ah
106. isku duubni dhalin kara
107. maskaxaha u duugoo
108. fariimahana soo dira
109. iney daabaneysiyo
110. iney doogaysaabaa
111. doodu kala dhextaalaa
112. malaa wey ila durugtee
113. waxan hadal ku daayaa
114. nin hayoowba sii daa
115. taladana ku soo durug
WA BILLAAHI TAWFIIQ
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile
Hargeisa
Somaliland