
Dhegayso: Sh. Maxmed Cabdi Umal oo Xalay Muxaadiro Qiimo Badan u jeediyey Ardayda Jamacadda Burco
Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa xalay Muxaadiro aad u qiimo badan oo uu kaga hadlayey dhalinyarada iyo sida looga faaidaysto dhalinyarnimada u jeediyey Ardayda Jamacadda Burco .
Muxaadaradan ayuu sheekhu ka jeediyey Hoolka weyn ee jamacadda Burco halkaas oo uu kula hadlay Ku dhowaad 1000 Kun Arday oo wax ka dhigta Jamacadaha Burco, waxana markii hoolku buuxsamay qaar ka mid ah ardayda iyo dhalinyaradii tirada badnaa ee muxaadarada soo doontay fadhiisteen barxadaha hore ee jamacadda.
Waxa sheekhu muxaadaradiisa si qoto dheer ugaga hadlay dhibka dhalinyarada haysta, ee ay hormuudka u yihiin shaqo la’aanta iyo tahriibku isagoo sidoo kale uga digay Tahriibka Qaadka iyo qabyaaladda oo uu ku sheegay waxyaabaha dhalinyarada la hadhay.
Sheekha ayaamarkii muxadaaradiisa dhammaystay la waydiiyey su’aalo badan oo ku saabsan arrimaha dhalinyarada iyo weliba sida ay diinta iyo shareecada islaamku u aragto is qarxinta.
Dhammaanba waxa uu sheekhu su’aalahaasi uga jawaabay si waafiya isago mid walba faahfaahiyey si cad na ugu bayaamiyey dhalinyaradii su’aalaha waydiisay.
Sheekha ayaa la sheegay in maalmaha uu joogo uu muxaadarooyin Diini ah ka jeedin doono masaajida waaweyn ee magaalada iyo jaamacadaha isla markaasna si weyn ugu faaidayn doono bulshada gobolka togdheer.
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com
Dhegayso: Sh. Maxmed Cabdi Umal oo Xalay Muxaadiro Qiimo Badan u jeediyey Ardayda Jamacadda Burco
Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa xalay Muxaadaro Qiimo Badan u jeediyey Ardayda Jamacadda Burco, isagoo uga Digay Aafooyinka Dhalinyarada ku habsaday Sida Tahriibka, Qabyaalada iyo Qaadka, oo uu shegay inay hormuud u yihiin dhalinyarada dhibka haysta, iya