Nukliyeer Dhaliyay Dhul Gariir oo la Tijaabiyay iyo Baaritaano socda

0
Friday September 09, 2016 - 11:12:23 in by salman abdi
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nukliyeer Dhaliyay Dhul Gariir oo la Tijaabiyay iyo Baaritaano socda

    Wakaaladda wararka Yonhap ee Kuuriyada Koonfureed oo soo xiganaysa ilo aan la sheegin waxay ku warramaysaa in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay Nukliyeer dhaliyay Dhul gariir xogan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakaaladda wararka Yonhap ee Kuuriyada Koonfureed oo soo xiganaysa ilo aan la sheegin waxay ku warramaysaa in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay Nukliyeer dhaliyay Dhul gariir xogan. Hore ayaa waxaa u jiray dhul gariirro dad-samee ah oo xajmigaas leh, kuwaasoo ka dhacay isla goobta tijaabada laga sameeyey, laakinse wax xaqiijin ah lagama hayo Kuuriyada Waqooyi.

Sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday iyo xog sirdoon ayaa muujinaya in dhaqdhaqaaq uu ka jiray goobta nukliyeerka ee Punggye-ri, kaasoo la leeyahay waa tijaabadii 5aad. Jimcaha waxay sidoo kale tahay maalinta qarannimada ee dalkaas, ayadoo loo dabaal dagayo markii uu billowday hogaanka rajiimka. Kuuriyada Waqooyi waxay munaasabadahan oo kale u adeegsataa inay ku soo bandhigto awooddeeda ciidan.

Hay'adda daraasaadka lakabyada dhulka ee Maraykanka ee la socota dhaqdhaqaaqyada lakabyada dhulku waxay sheegaysaa in gariirka waqooyiga bari ee dalkaas laga dareemay uu qarax ka dhashay, laakin ma aysan sheegin nooca qaraxa. Maraykanku wuxuu sheegay inuu isha ku hayn doono waxa ay noqon doonto sababta qaraxa.

Ra'iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe wuxuu shir jaraa'id ka sheegay in haddii la xaqiijiyo in tijaabo nukliyeer la sameeyey ay Japan markaa cabasho u gudbin doonto Pyongyang.

Kuuriyada waqooyi Qaramada Midoobay ayaa ka mamnuucday inay samayso wax tijaabo ah oo ku saabsan nukliyeer ama tiknoloojiyada gantaallada, laakin bilihii dhowaa waxay wadday inay tijaabiso gantaallada ballistigga, ayadoo hanjabaadana u jeedinaysay waddamada aysan isku fiicnayn.

Tijaabadii ugu dambeysay ee ay samaysay January ayaa la aamisan yahay inay ahayd bam hydrogen ah, hase yeeshee tijaabada iminkana waxaa loo arkaa inay tahay tii ugu xoogga badnayd ee ay abid samayso.