War deg-deg Ah:-Wasiirka Ammuuraha Dibadda Somaliland oo Addis Ababa U Tagay Saxeexa Saamigii Ethiopia Ee Heshiiskii DP World

0
Friday September 09, 2016 - 11:56:43 in by Burco Office
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War deg-deg Ah:-Wasiirka Ammuuraha Dibadda Somaliland oo Addis Ababa U Tagay Saxeexa Saamigii Ethiopia Ee Heshiiskii DP World

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre ayaa safar kedis ah ku tagay magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre ayaa safar kedis ah ku tagay magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Warku waxa uu intaas ku daray in kulanka ay yeelanayaan dawladda Ethiopia, XukuumaddaInkastoo aannu jirin War rasmiya oo uu Wasiirka Arrimaha dibaddu Dr. Sacad Cali Shirre kaga hadlay safarkiisa Addis abab ee dalka Ethiopia, hase-yeeshee Ilo wareedyo aannu la xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyay in safarka Wasiirka Ammuuraha dibadda Sacad Cali Shire uu la xidhiidho kulan saddex geesood ah oo ka dhici doonna magaalada Addis ababa, halkaasoo ay ku balansan yihiin dawladda Ethiopia, Xukuumadda Somaliland iyo Madaxda Dubia Ports World.

Somaliland iyo Shirkadda DP World ee la wareegtay gacan ku haynta Dekedda berbera, ayaa lagu waddaa in Caasimadda Addis ababa lagu saxeexo saamigii ay dawladda Ethiopia ka heshay Heshiiskii ay horraantii toddobaadkan wada saxeexdeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda DP World..

Xigasho Hadhwanaagnews