War Deg Deg:Gudoomiye Ku Xigeenkii Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga WADDANI Oo Si Casishay .

0
Friday September 09, 2016 - 18:11:49 in by Burco Office
  • Visits: 844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:Gudoomiye Ku Xigeenkii Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga WADDANI Oo Si Casishay .

    Gudoomiye ku Xigeenkii Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Marwo Saynab Axmed Cali ayaa sheegtay in ay iska casishay Xilkii ay ka haysay Xisbiga WADDANI, Iyadoo intaas-na ku dartay in ay Xubinimadii Xisbigana ay kala noqotay .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye ku Xigeenkii Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Marwo Saynab Axmed Cali ayaa sheegtay in ay iska casishay Xilkii ay ka haysay Xisbiga WADDANI, Iyadoo intaas-na ku dartay in ay Xubinimadii Xisbigana ay kala noqotay .


Is casiladda Masuulkan, ayaa imanaysa ka dib markii ay todobaad ka hor sidan oo kale ay isku casileen Gudoomiyayaashi Degmooyinka Maxamed Mooge, Maxamuud Haybe Iyo Salaxley Ee Xisbigaasi WADDANI .

Sidoo kale Waxaa xusid Mudan in Masuulkan hadda is casishay ay sii ahayd ku Simaha Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbigaasi, iyadoo Gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbigaasi uu hore isna isu cassilay .

 

Is Casilaaddan Saynab Axmed Cali ayaa ku soo beegantay Markii Maanta Xilka Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Loo Magacaabay Maxamed Sidiiq Damme oo hore u ahaa, Af-hayeenkii Garabka Dhalinyarada, waxaana suurtagal ah in Magacaabista Maxamed Sidiiq Dhamme ay Sameen ku leedahay Is Casilaadda Saynab Axmed Cali oo ahayd Gudoomiye ku Xigeenkii Garabka Dhalinyarada, Maadaama ay isku beegantay Magacaabista Dhamme iyo Is Casilaadda Saynab Axmed Cali .