Hordhac: Arsenal v Southampton – Gunners Oo Bartilmaameedsaneysa Galabta Inay Gaarto Guusheedii Labaad Ee Xilli Ciyaareedka.

0
Saturday September 10, 2016 - 07:23:57 in by Burco Office
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Arsenal v Southampton – Gunners Oo Bartilmaameedsaneysa Galabta Inay Gaarto Guusheedii Labaad Ee Xilli Ciyaareedka.

    Kulanka:Arsenal v Southamton Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 5pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Robert Madley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka:Arsenal v Southamton Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 5pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Robert Madley


Saxiixyada Shkodran Mustafi iyo Lucas Perez ayaa la filayaa inay cadaadiska ka yareyso tababare Arsene Wenger.

Mustafi ayaa wadnaha daafaca ka garab ciyaari doona Laurent Koscielny, laakiin ma cada haddii mustaqbalka Perez uu yaala booska gooldhaliyaha ama garab weerar.

Iyadoo seddexda kooxood ee ugu sareeya horyaalka ay si cajiib ah ku bilowdeen xilli ciyaareedkan islamarkaana ay u muuqdaan kooxo wacdarro dhigaya, Arsenal ayaa u baahan inay guulo xiriir ah gaarto si ay qeyb uga noqoto kooxaha horyaalka u tartamaya.

Ma awoodaan inay dhibco ku dhumiyaan gurigooda xitaa haddii ay la ciyaarayaan Southampton oo ku dhameysatay kaalimaha 7aad iyo 6aad labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay.

arsenal-v-southampton

MAXAA KA CUSUB?

Daafaca Arsenal Shkodran Mustafi ayaa la filayaa inuu safto kulankiisii ugu horeysay iyadoo saxiixa kale ee cusub Lucas Perez uu isna sidoo kale diyaar yahay.