"Ma joojin karaan Qaadka sababtoo ah iyagaaba cun"afhayeenka al shabaab Shiikh Cali Dheere

0
Saturday September 10, 2016 - 07:26:57 in by Burco Office
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ma joojin karaan Qaadka sababtoo ah iyagaaba cun"afhayeenka al shabaab Shiikh Cali Dheere

    Muqdisho(AFKA)Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadashay go'aankii dhawaan ka soo baxay dowladda Federaalka Somalia ee lagu hakiyay Qaadka Soomaaliya uga imaan jiray dhanka dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA)Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadashay go'aankii dhawaan ka soo baxay dowladda Federaalka Somalia ee lagu hakiyay Qaadka Soomaaliya uga imaan jiray dhanka dalka Kenya.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo waraysi siiyay idaacad kooxdaas taageerta ayaa sheegay in duullaanka lagu soo qaaday Soomaaliya uu qeyb ka yahay Qaadka dalka la soo geliyo si loogu mashquulinayo dadkii la rabay inay dalkooda difaacaan sida uu yiri.

"Ragga Xamar Fadhiya warkoodu iskuma toosna dhankooda ayuu ka buray oo waxa uu kasoo degay Gaalkacyo, Guriceel Kismaayana Dooman ayaa lagu keenaa” ayuu yiri Shiikh Cali Dheere.

Afhayeenka ayaa sheegay in masuuliyiinta dowladda ay yihiin muqayiliin qabatimay isticmaalka Qaadka, sidaas awgeedna aysan awood u laheyn iney joojiyaan.

"kuwa madaxda sheegta Ma joojin karaan Qaadka maxaa yeelay iyagaaba cuna" ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka Al-Shabaab.

Sheekh Cali Dheere ayaa xusay in isticmaalka iyo ka ganacsiga Qaadka laga joojiyay wadamo badan oo caalamka ka tirsan balse Soomaaliya aysan jirin cid ka naxaysa oo ka joojinaysa.

Hadalka afhayeenka ayaa ku soo aadaya xilli maalintii afaraad qaad la’aan ay ka jirto magaalada Muqdisho & gobolada dalka qaarkood ka dib markii dowlada Somalia ay hakisay dayuuradaha Qaadka ka keena Kenya.

Meelaha Qaarkood sida Muqdisho ayaa waxaa lagu arkay maanta Qaad doonyo iyo qaabab kale oo tahriib ah lagu keenay kaasoo la kala siisanayey qiimo afar jibaar ka sareeya kii caadiga ahaa.

Al-shabaab ayaa degaanada ay maamusho ee koonfurta iyo bartamaha Somalia waxay horey uga mamnuucday isticmaalka iyo ka ganacsiga Qaadka, sigaarka iyo tubaakada, waxaana qofkii lagu helo uu muteystaa ciqaab isugu jirta ganaax iyo xarig.



Xafiiska Shabakada afkashacabka.com
Muqdisho Somalia