War Deg Deg Ah:Jidadka Waaweyn Ee Mgaalada Muqdisho Oo Saaka Gebi Ahaan la Xidhay & Amniga Oo Si Adag Loo Xoojinayo + Sawirro

0
Saturday September 10, 2016 - 07:33:20 in by Burco Office
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Jidadka Waaweyn Ee Mgaalada Muqdisho Oo Saaka Gebi Ahaan la Xidhay & Amniga Oo Si Adag Loo Xoojinayo + Sawirro

    Dowlada Somalia ayaa Saaka si aan horey loo arag u xidhay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo amniga si weyn loo xoojinayo. Wadooyinka la xidhay ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama ee isku xidha xarunta madaxtooyada iyo g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Somalia ayaa Saaka si aan horey loo arag u xidhay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo amniga si weyn loo xoojinayo. Wadooyinka la xidhay ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama ee isku xidha xarunta madaxtooyada iyo garoonka dayuuradaha oo aheyd mida ugu mashquulka badan caasimada Muqdisho. Sidoo kale wadooyinka la xiray waxaa ka mid ah wadnaha, soddonka, wadada hormarta dekeda illaa iskoolo buluusiyo iyo meelo kale oo badan.

Jidadkan ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaasoo dib u celinaya gaadiidka dadweynaha, waxaana jidadka loo ogol yahay oo kaliya dadka cagtooda maalaya ama lugeynaya.

Gaadiidka dadweynaha iyo mootooyinka bajaajka ayaa ayaaa isticmaalaya wadooyin qardo jeex ah oo ku yaala xaafadaha shacabku degan yihiin dhexdooda.

Talaabadan ayaa waxaa la sheegay iney gogolxaar u tahay soo dhoweynta wufuud caalami ah oo maalmo ka dib ku soo wajahan caasimada.

Madaxda todobada dal oo ku yaalla bariga iyo bartamaha Afrika ayaa ku soo wajahan Muqdisho kuwaasoo ka qeyb galaya shir madaxeedka urur goboleedka IGAD oo 26 sano ka dib markii ugu horeysay ay marti gelineyso Somalia.











Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia