Dawladda Itoobiya Oo Sheegtay Inay Kor UQaadayso Cilaaqaadka Saaxiibtinimo Ee Ay La Leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.

0
Saturday September 10, 2016 - 10:26:19 in by salman abdi
  • Visits: 926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Itoobiya Oo Sheegtay Inay Kor UQaadayso Cilaaqaadka Saaxiibtinimo Ee Ay La Leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.

    Dawladda fedaraalka Itoobiya, ayaa ka hadashay iskaashiga ka dhaxeeya dalkeeda iyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada horumarka iyo waxbarashada, sida ay baahisay wakaalada wararka Itoobiya ee ENA oo aanu warkan ka soo xiganay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda fedaraalka Itoobiya, ayaa ka hadashay iskaashiga ka dhaxeeya dalkeeda iyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada horumarka iyo waxbarashada, sida ay baahisay wakaalada wararka Itoobiya ee ENA oo aanu warkan ka soo xiganay.


Sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom, oo Jimcihii shalay la kulmay Wasiirka Khaarajiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre oo socdaal shaqo ku jooga Magaaladda Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom, waxa uu kulankaa ka sheegay in wax wada qabsiga qotodda dheer ee dalkiisu la leeyahay Somaliland la sii xoojin doono gaar ahaan dhinacyada nabadgelyadda, lana sii balaadhin doono horumarkaiyo waxbarashadda.

 

Wasiir Dr. Tedros, waxa uu ku dooday cilaaqaadka Somaliland iyo Itoobiya ay ka soo bixi karaan natiijooyin wax ku ool ah oo ku wajahan inay Mandaqaddu ku tallaabsato himilooyinkeeda horumarinta.

Dhinaciisana Wasiirka Arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, ayaa si weyn u soo dhoweeyey iskaashiga ay Itoobiya la leedahay Somaliland, waxaanu Itoobiya uga mahad-naqay sida ay uga go’an tahay inay iskaashiga labada dhinac sii balaadhiso.

Dr Sacad Cali Shire waxa kale oo uu intaas ku daray in Itoobiya iyo Somaliland ay si wada jir ah uga wada shaqaynayaan sii xoojinta iskaashigooda iyadoo aasaas looga dhigayo maslaxadda labada dal.