Ra'isul Wasaarihii hore ee Somalia oo ugu baaqay Xasan Shekh in uu Baneeyo Xarunta Madaxtooyada

0
Saturday September 10, 2016 - 11:57:06 in by salman abdi
  • Visits: 448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'isul Wasaarihii hore ee Somalia oo ugu baaqay Xasan Shekh in uu Baneeyo Xarunta Madaxtooyada

    Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu baneeyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya maadama ay dhamaatay waqtigii sharciga ahaa in uu xilka sii hayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu baneeyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya maadama ay dhamaatay waqtigii sharciga ahaa in uu xilka sii hayo. C/wali Sheekh ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Waqtiga Sharciga ah uu xilka heyn lahaa ay maanta ku egtahay, waxa uuna tilmaamay in Muhiim tahay in Madaxweynaha uu kasoo baxo Villa Soomaaliya .

''Madaxweyne Xasan Sheekh Waqtigiisa waa uu dhamaaday, ma naqaan sharciga uu kusii joogi karo xarunta Villa Soomaaliya maadaama waqtigiisu dhmaaaday, waxaaa leenahay kasoo bax Madaxtooyada oo la mid noqo Musharaxiinta kale ee tartameysa'' Ayuu yiri R/Wasaarihii hore ee Somalia


Mudane C/wali Sheekh, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in uu wareejiyo hantida Qaranka uu hayo sida Gaadiidka aan xabadaha karin iyo hubka ee Dowladu leedahay, lana mid noqdo Musharaxiinta kale ee loolanka ku jirta


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la doortay 10-ka bishii September ee sanadii 2012-kii, waxaana maanta ku eg xiligii uu talada dalka heyn lahaa inkastoo dhawaan Hogaamiyaasha Madasha isku raaceyn in talada uu sii hayo ilaa Madaxweyne kale laga helayo.