Iska Hor Imaad dhimasho & dhaawac sababay oo goor dhow ka dhacay Qeybo ka Mid Muqdish

0
Tuesday September 13, 2016 - 20:31:13 in by Burco Office
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska Hor Imaad dhimasho & dhaawac sababay oo goor dhow ka dhacay Qeybo ka Mid Muqdish

    Iska horimaad hubeysan ayaa maanta ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir kaasoo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowlada Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska horimaad hubeysan ayaa maanta ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir kaasoo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowlada Somalia. Iska horimaadkan ayaa yimid ka dib markii ciidamo milateri ah oo watay gaadiid dagaal ay isku dayeen iney xoog ku jiiraan ciidamo boolis ah oo ilaalinayey amarka dowlada Somalia ay ku xirtay wadooyinka caasimada.

Iska dhaca hore ee labada ciidan ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaaray, inkastoo an tirakoob sax ah laga heynin, waxaana ku soo baxay saraakiil ka tirsan labada dhinac oo joojiyey iska horimaadkii dhexmaray.

Hase ahaatee goor dhow oo caawa ah ayaa iska horimaad kale oo daba socda kii saaka waxaa labada ciidan uu ku dhexmaray isla goobtii ay saaka ku dagaalameen, iyadoo intii u dhexeysay salaadii maqribka iyo cishaha la maqlayey rasaas ay labada dhinac isweydaarsanayeen.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay labada iska horimaad ee dhexmaray ciidamadan iska soo horjeeda ee Booliska iyo milateriga, iyadoo aysan weli ka hadlin maamulka degmada Boondheere iyo saraakiisha ciidamada labada dhinac.

Xaalada goobaha la isku fara saaray saaka iyo caawa ayaa hadda yara degan, iyadoo iska horimaadyada noocan ah ee dhexmara ciidamada dowlada ay caan ka yihiin Muqdisho, inkastoo mudooyinkan ay hoos u dhaceen.