Hordhac: Juventus v Sevilla: Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa Ka Dhici Doona Garoonka Juventus Stadium

0
Wednesday September 14, 2016 - 08:50:27 in by Burco Office
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Juventus v Sevilla: Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa Ka Dhici Doona Garoonka Juventus Stadium

    Kulanka Juventus v Sevilla Garoonka: Juventus Stadium Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Deniz Aytekin (Germany)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka Juventus v Sevilla Garoonka: Juventus Stadium Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Deniz Aytekin (Germany)


Tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa sheegay in kulanka ugu horeeya uu yahay kan ugu muhiimsan wareega group-yada Champions League iyadoo kooxdiisa ay isku diyaarineyso inay caawa wajahdo kooxda Isbaanishka ee Sevilla kuwaasoo isbedel weyn uu ka muuqdo marka loo eego xilli ciyaareedkii hore.

Labadaan kooxood ayaa kuwada jira Group H waxaana kula wehliya group-ka oo iyagana caawa ciyaaraya kooxaha Lyon iyo Dynamo Zagreb kuwaasoo ku kulmaya dalka Faransiiska.

Kooxda Juventus ayaan laga badinin kulanka ugu horeeya ee xilli ciyaareedka Champions League 16kii sanno ee ugu danbeysay, Juventus ayaana 2-0 kaga badisay Sevilla kulankii xilli ciyaareedkii hore labadaan kooxood ku dhexmaray wareega group-yada ee ka dhacay Turin.

juventus-vs-sevilla

MAXAA KA CUSUB?

 

Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga waxaa ka maqan xiddiga khadka dhexe Marchisio kaasoo dhaawac ka qaba jilibka, waxaa sidoo kale dhaawac kaga maqan Sturaro oo isna jilibka ka dhaawacan. Waxaa la filayaa in caawa uu Gonzalo Higuain u safto Juventus kulankiisii ugu horeysay ee Champions League isagoo xiran maaliyada Bianconeri. Xiddiga reer Argentina ayaa dhaliyay labo gool kulankii Serie A ee ay ka badiyeen kooxda Sassuolo isbuucaan.

Kooxda heysata koobka Europa League ee Sevilla ayaa iyagana waxaa ka maqan saxiixooda cusub Samir Nasri kaasoo xumad ku seegaya kulanka caawa, hala Kolodziejczak uu ganaax ku maqnaanayao. Tremoulinas ayaa isna dhaawac jilibka ah qaba.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Juventus:Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Dani Alves, Khedira, Lemina, Pjanić, Evra; Higuaín, Dybala.

Sevilla:Rico; Mercado, Rami, Pareja; Iborra, N’Zonzi, Sarabia; Mariano, Vitolo, Kiyotake; Vietto.