Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo maanta kusii jeeda Magaalada Jawhar +uJeedada Socdaalkii

0
Wednesday September 14, 2016 - 08:52:21 in by Burco Office
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo maanta kusii jeeda Magaalada Jawhar +uJeedada Socdaalkii

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno katirsan labada Golle Dowlada iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta kusii keeda magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhaxe halkaas ay ka fidsan tahay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhaxe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno katirsan labada Golle Dowlada iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta kusii keeda magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhaxe halkaas ay ka fidsan tahay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhaxe.
Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn saaka looga dareemayaa magaalada Jowhar, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka gudaha magaalada Jowhar iyo wadooyinka soo gala .

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu tago hoolka uu shirka ka socdo uuna halkaaasi kula hadlo Odayaal iyo Ergo kasoo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe oo ku xareesan xarunta shirka kasocdo.

Xasan Sheekh ayaa xooga saaraya sidii uu u guuleesan lahaa shirka Maamul u sameynyta Jowhar oo mudo badan miro dhal noqan waayay, waxaana ka go'an Madaxweynaha in Shirkaasi si deg deg ah loo soo ajfaro laguna doorto Madaxweyne si deg deg ah.


Magaalada Jowhar waxaa malamihii lasoo dhaafay shir ku lahaa Masuuliyiin katirsan Dowlada, Urur Gobokeedka IGAD iyo qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhaxe.



Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah