Hordhac: Chelsea v Liverpool – Maxaa Kala Heysta Caawa Macalimiinta Xamaasada Badan Ee Antonio Conte & Jurgen Klopp?

0
Friday September 16, 2016 - 11:19:25 in by Burco Office
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea v Liverpool – Maxaa Kala Heysta Caawa Macalimiinta Xamaasada Badan Ee Antonio Conte & Jurgen Klopp?

    Chelsea v Liverpool Garoonka: Stamford Bridge Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Martin Atkinson

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea v Liverpool Garoonka: Stamford Bridge Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Martin Atkinson


Kulamada adag ee ay Liverpool ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ayaa weli socda iyadoo kooxda aan weli laga badinin ee Chelsea ay hubaal tahay inay kacsan yihiin ka dib markii ay dhumiyeen dhibcohoodii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan markii ay axadii la soo dhaafay barbaro 2-2 la galeen Swansea.

Liverpool ayaa durbaba la ciyaartay seddexdii kooxood ee ugu sareysay horyaalka xilli ciyaareedkii hore, waxa ay min afar gool ka dhaliyeen Arsenal iyo Leicester City, waxaana ay barbaro la galeen Tottenham.

Sida kulamadoodii waqtiyadii dhawaa ma ahan kulankaan mid wax ka bedelaya hanashada horyaalka ama loogu tartamayo gaarista finalka Champions League, laakiin hadana kulanka caawa waxa uu leeyaahy xamaasad gaar ah iyadoo labada kooxood uu xafiiltan cusub ka dhaxeeyo.

Liverpool ayaa 3-1 ku badisay kulankii xilli ciyaareedkii hore ee Stamford Bridge, waxaana ay aheyd kulankii ugu horeysay ee horyaalka ee uu Jurgen Klopp badiyo. Kulanka caawa waxa uu noqon doonaa mid xamaasadeysan oo labada kooxood ay aad isagu dhow yihiin.

chelsea-liverpool-fnf-premier-league_3786807

MAXAA KA CUSUB?


 
 

David Luiz ayaa safan doona kulankiisii ugu horeysay ee Chelsea tan iyo markii uu kooxda dib ugu soo biiray isagoo heshiis 34 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Paris Saint-Germain.

Waxa uu bedelayaa kabtan John Terry kaasoo dhaawac canqowga ah uu ka soo gaaray kulankii ay barbaraha la galeen isbuucii hore kooxda Swansea.

Daafaac Liverpool Dehan Lovren ayaa la filayaa inuu soo laabto kulanka caawa ka dib markii uu jug kaga dhacday isha ay keentay inuu seego kulankii ay sabtidii 4-1 kaga badiyeen kooxda Leicester City.

Waxaa macquul ah in dib loogu soo yeero shaxda Philippe Coutinho kaasoo nastay kulankaas ka dib duulimaad dheer uu dib uga soo laabtay dalkiisa Brazil.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea:Courtois; Azpilicueta, Cahill, David Luiz, Ivanovic; Kante, Matic; Eden Hazard, Oscar; Willian; Diego Costa.

Liverpool:Mignolet; Clyne, Matip, Lovren, Milner; Wijnaldum, Henderson; Coutinho, Sadio Mane, Lallana; Firmino.

MA OGTAHAY?

  • Chelsea ayaa kaliya garaacday Liverpool labo kulan sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka ee ay kula ciyaareen Stamford Bridge. (Labo guul, seddex barbaro, afar guuldarro)
  • Waa kulankii 175aad ee tartan rasmi ah oo ay ciyaaraan labada kooxood caawa. Liverpool ayaa gacanta sarre leh iyagoo badiyay 75 kulan, halka Chelsea ay badisay 61 kulan, waxaana ay barbaro galeen 38 kulan.