Zlatan Ibrahimovic Oo Ku Garaacay Paul Pogba Xiddiga Loogu Raadinta Badan Yahay Google Sannadkan – Waa Kumase Xiddiga Loogu Raadinta Badnaa Somalia Sannadkan?

0
Friday September 16, 2016 - 11:21:53 in by Burco Office
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Zlatan Ibrahimovic Oo Ku Garaacay Paul Pogba Xiddiga Loogu Raadinta Badan Yahay Google Sannadkan – Waa Kumase Xiddiga Loogu Raadinta Badnaa Somalia Sannadkan?

    Weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimobic ayaa ah xiddiga loogu raadinta badan yahay Goole ee Premier League sannadkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimobic ayaa ah xiddiga loogu raadinta badan yahay Goole ee Premier League sannadkan.


34 jirkaan ayaa ahaa xiddiga ugu caansan ee 36 ka mid ah 120 wadan oo warbixin rasmi ah laga heli karay ilaa iyo bartamihii bisha Agoosto sida lagu sheegay Goolgle Trends.

Ibrahimovic ayaa ahaa xiddiga loogu raadinta badnaa Google ee dalka Ruushka inta badan dadalka Scandinavia, Aasiyada Fog, Bariga Dhexe. Waxa uu sidoo kale dhanka raadinta ugu sareeyay dalka France oo uu ka soo jeedo xiddiga labaad ee loogu raadinta badnaa ciyaartoyda Premier League Paul Pogba.

zlatan-ibra-ibrahimovic-pogba-graphic_3786140


 

Pogba ayaa United uga soo biiray Juventus heshiis rikoorka adduunka ah bishii Agtoosto, waxaana uu ahaa xiddiga loogu raadinta badan ee 29 wadan oo ay ku jiraan Canada, Australia iyo dhowr wadan oo Afrika ku yaala.

ibrahimovic-pogba-pedro-vardy-ozil-map-graphic_3786043

Labada xiddig ee United waxaa ka danbeeya xiddiga Chelsea Pedro oo 7 wadan ka noqday xiddiga loogu raadinta badan yahay, xiddiga Leicester City Jamie Vardy oo shan wadan ka noqday xiddiga loogu raadinta badan yahay iyo xiddiga Arsenal Mesut Ozil oo seddex wadab ka noqday xiddiga loogu raadinta badan yahay Google.

Xiddiga loogu raadinta badnaa dalka Somalia sida lagu sheegay Google Trends waa xiddiga reer Armenia ee Henrikh Mkhitaryan ee u ciyaara kooxda Manchester United.

3786016