Daawo Sawirada: Jilaa Caan ah oo ku Geeriyooday Wabi uu Filim ku jilayay

0
Friday September 16, 2016 - 15:14:01 in by Burco Office
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Jilaa Caan ah oo ku Geeriyooday Wabi uu Filim ku jilayay

    Jilaa Caan ka ahaa dalka Brazil aadna loo jeclaa Filimaanta uu jilo ayaa geeriyooday, kadib markii uu ku haraqmay Wabi uu ku jilayay qeyb kamid ah Filim Musal ah oo si weyn looga daawado dalkaasi .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jilaa Caan ka ahaa dalka Brazil aadna loo jeclaa Filimaanta uu jilo ayaa geeriyooday, kadib markii uu ku haraqmay Wabi uu ku jilayay qeyb kamid ah Filim Musal ah oo si weyn looga daawado dalkaasi . Domingos Montagner , oo 54 sano jir ah ayaa ku geeriyooday Wabi uu ku dabaalanayay, jilaaga ayaana wabigan filim ku jilay kahor inta uusan ku geeriyoon sida ay baahiyeen Warbaahinta dalka Brazil.

Gabar iyana jilaa ah oo lagu magcaabao Camila Pitanga , oo Wabiga kula dabaalaneysay jilaaga geeriyooday ayaa sheegtay in ay dareentay hir weyn uu sii qaadaya Domingos, waxa ayna xustay in ay u qeylo dhaamisay si loo bad badaiyo balse weysay cid bad baadisa.

Dad daawanayay kuna sugnaa Wabiga xiliga uu Jilaaga Wabiga ku geeriyoonayay ayaa la sheegay in ay moodayeen in uu ku guda jiro wali jilitaanka Filimka , hasa ahaate xaalada ayaa markii dambe is badashay kadib markii la ogaaday in uu geeriyooday Jilaaga uuna qaaday Wabiga.

Jilaagan ayaa qeyb weyn ku lahaa Filim Musal sal ah oo loogu magac daray Wabiga uu ku geeriyooday ee Sao Francisco oo kuyaala gobolka Sergipe oo Wqaooyi bari dalka Brazil, filimkan ayaana ahaa mid si weyn looga jeclaa dalka Brazil.