Madaxweyne Xasan oo Mar kale furay Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh.Dhaxe+Sawiro

0
Friday September 16, 2016 - 15:36:09 in by Burco Office
  • Visits: 719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan oo Mar kale furay Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh.Dhaxe+Sawiro

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno katirsan labada Golle ee Dowlada ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkasa ay fidsan tahay gogasha shirka maamul sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno katirsan labada Golle ee Dowlada ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkasa ay fidsan tahay gogasha shirka maamul sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Xasan Sheesh iyo Wafdiga la socday ayaa markii ay gaareen magaalada Jowhar waxaa loo gudbiyay holka uu ka furmay Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe, Madaxweynaha ayaana mar kale halkaasi ka furay shirka maamulka loogu sameenayo Labada Gobol.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhaxe Cali Guudlaawe oo ka hadlay munaasabada ka dhacday hoolka shirka ka furmay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kusoo dhaweeyay in uu mar kale furo shirka lagu dar dar galinayo maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal u jeediyay Waxgarad iyo Ergo mataleysa labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ayaa ugu baaqay Odayaasha iyo shacabka ku dhaqan goboladaasi in ay si deg deg ah u dhistaan maamul kamid ah kuwa hada dalka ka jira.

Waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya dadka ka maqan shirka ka furmay Jowhar in ay yimaadaan ayna halkaasi ka sheegtaan tabashooyinka ay qabaan, waxa uuna xusay in dadka degan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe Muhiim tahay in ay doortaan qofkii ay u arkaan in uu hogamain karo.


''Waxaan leenahay dadka ka maqan Shirka halkan imaada oo ka sheega tabashadiina, Shacabka degan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe iyaga u madax banaan maamulkan waxaana xaq u leedihiin in aad doorataan cida aad u aragtaan in ay idin hogaamin karto'' Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in Maamulada dalka hada ka jira markii la dhisayay ay lasoo gudboonaadeen caqabado badan oo adag balse markii dambe arimahaasi laga heshiiyay lana xaliyay.


Madasha uu shirka ka furay waxaa sidoo kale ka hadlay Masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada Federaalka, IGAD, iyo qaar kamid ah waxgaradka labada Gobol, kuwaa oo sheegay in ay taagersan yihiin shirkan dib u furmay ayna rajeenayaan in natiijo lagu farxo ay kasoo baxdo.