Midawga Yurub Oo Qorshe Cusub Soo Bandhigay.

0
Saturday September 17, 2016 - 08:16:51 in by salman abdi
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midawga Yurub Oo Qorshe Cusub Soo Bandhigay.

    Shirkii Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ee lagu soo gabogabeeyay Slovakia ayaa la isku afgartay dhowr qodob oo uu ka mid tahay in dib loo xoojiyo Midowga Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ee lagu soo gabogabeeyay Slovakia ayaa la isku afgartay dhowr qodob oo uu ka mid tahay in dib loo xoojiyo Midowga Yurub.


Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in ay la yimaadeen qorshe cusub oo la doonayo in lagu joojiyo soo galootiga sharci darrada ah iyo in sare loo qaado iskaashiga dhanka amaanka ee u dhaxeeya waddamada Yurub. Madaxweynaha Golaha Yurub, Donald Tusk, ayaa isna dhankiisa ka digay qulqulka qaxootiga tirada badan ee sanadkii la soo dhaafay gaaray qaarada Yurub aan mar dambe loo noqon doonin.

Balse waddamo ay kamid yihiin Talyaaniga iyo Hungary ayaa sheegay in horumar wanaagsan aan laga gaarin shirkaas, waana kulankii ugu balaarnaa ee ay yeeshaan hogaamiyeyaasha midowga Yurub, tan iyo markii UK ay isaga baxay ka sii mid ahaanshaha Midowga Yurub, mana jirin masuul ka socday dowladda Ingiriiska oo ka soo qeyb galay shirkaasi Midowga Yurub.