Maxay Ka Yidhaahdeen Dawladaha Somaliland Ka Cawinaya Dorashooyinka Somaliland Kala Saaridda Doorashooyinka

0
Saturday September 17, 2016 - 08:28:43 in by salman abdi
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Ka Yidhaahdeen Dawladaha Somaliland Ka Cawinaya Dorashooyinka Somaliland Kala Saaridda Doorashooyinka

    Wafti uu horkacayo Agaasimaha wasaarada Arrimaha Dibadda Britain oo ay Wehelinayeen Saraakiil kale, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland si ay ugala hadlaan go'aankii dib loogu dhigay doorashada golaha Wakiiladda. Weftigan Ingiriiska k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafti uu horkacayo Agaasimaha wasaarada Arrimaha Dibadda Britain oo ay Wehelinayeen Saraakiil kale, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland si ay ugala hadlaan go'aankii dib loogu dhigay doorashada golaha Wakiiladda. Weftigan Ingiriiska ka socday oo wakiil ka ahaa midowga Yurub ayaala sheegay inay isku mari waayeen madaxweynaha sabab dib loogu dhigayo ama loo kala saarayo doorashadda madaxtooyadda iyo Wakiiladda.

Dalalka qaadhaanbixiyeyaasha oo madaxweynaha ku cadaadiyey in doorashadda mar la wada qabto sidii hore loogu heshiiyey, haseyeeshee madaxweynaha ayaa weftiga u sheegay in sababta dib loogu dhigay tahay sidii xal loogu heli lahaa arrimaha saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka oo ah arrimo xasaasi ah oo beelaha qaarkood doonayaan in aanay haysan saami ay ku qanci karaan, haseyeeshee, weftigan Ingiriiska ka socda ayaa madaxweynaha usoo jeediyey in mudadda ka hadhsan doorashadda arrimhaasi ku dhameeyaan, isla markaana uu madaxweynuhu ka noqdo go’aankii uu dib ugu dhigay doorashaddii golaha Wakiiladda.

Markii kulankani dhamaaday oo lagu waday in shir jaraa’id wada qabtaan xukuumadda iyo weftigan ayaa dhicin, waxaana weftigii Ingiriiska ka socday wax hadal ah aanay siin warbaahinta oo ay aamusni iskaga baxeen.

Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr ayaa warbaahinta u sheegay in kulankani daarnaa arrimaha doorashadda iyo dib u dhaca ku yimid doorashaddii golaha Wakiiladda, waxaanu sheegay in madaxweynuhu ku qanciyey sababta dib ugu dhigeen inay ahayd in guddi loo saaray xalinta arrimaha saamiga kuraasta ee la isku mari laayahay.

dhanka kale, War-murtiyeed kasoo baxaydalalka deeq-bixiyeyaasha ah ee Doorashooyinka ka caawinaya Somaliland ayaa lagu xusay inay walaac ka qabaan go’aanka madaxweynaha ee dib loogu dhigay doorashadda golaha Wakiiladda.

Beesha caalamku waxay madaxweynaha usoo jeediyeen in doorashadda mar la wada qabto, isla markaana ka hor doorashadda la dhameeyo saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka ee caqabadda ku ah inay doorasho dhacdo.

War-saxaafadeedkan waxa lagu sheegay in dib u dhacani dhaawacayo kalsoonidii beesha caalamku ku qabeen Somaliland iyo dimuqraadiyaddii ka hana qaaday Somaliland,

"Dib u dhaca doorashada wakiilada waxa la go’aamiyey iyadoo aan loo haysan sharci iyo dastuur, iyadoo hore loogu heshiiyey in doorashaddamadaxtooyadda iyo golaha Wakiiladda mar la wada qabto”ayaa lagu yidhi war-murtiyeedkaasi ka soo baxay dalalka doorashooyinka ka caawiya Somaliland.

"Beesha caalamku waxaysamaysaytaageeradii looga baahnaa ee ay doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiiladu wakhtigoodii ugu dhici lahaayeen iyada oo ay si buuxda u soo dhamaatay diwaan gelinta codbixiyayaasha taas oo si cad u qeexaysa in doorashadu ku dhacdo 2017, taas oo aan la soo bandhigi Karin wax isbedel ah oo ku yimaada”ayaalagu daray qoraalkaasi ka soo baxay beesha caalamka ee ay kaga hadlayaan dib u dhaca ku yimid doorashaddii golaha Wakiiladda.

"Deeq bixiyayaashu waxay maal gelin ku sameeyeen hanaanka loogu diyaar garoobayo doorashooyinka mana doonayaan inay arkaan dib u dhac xidhiidh ah oo yimaada, beesha caalamkuna ma awoodaysoinay bixiso kharashka dheeraadka ah ee ka imanaya go,aanka dib loogu dhigay doorashada wakiilada, balse waxa uu noqon doonaa mid ku dhaca bulshada Somaliland”.

Beesha caalamku waxa ay madaxweynaha usoo jeediyeen in la dhameeyo ka hor inta aanay doorashadu gaadhin saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka ee darteed aanay doorashaddu u dhacayn.

Ugu dambeyn, Beesha Caalamka ayaan ogolayn in la kala saaro Doorashada Wakiillada iyo Madaxtooyada, Waxayna ku Doodeen inay gabi ahaanba diyaariyeen qarashkii hkii ku bixi lahaa labaddaasi doorasho iyo diiwaangelintii, sidaa darteed aanay suurogal ahayn in dib loo dhigo doorashadda Wakiiladda.