"Sidii Aanu Horay U Balanqaadnay Waddo Kasta Oo La Bilaabo Waanu Isbarbar Taagaynaa, Maskax Iyo Maalna Waanu Ku Daraynaa" Wasiirka Madaxtooyada JSL

0
Saturday June 07, 2014 - 08:08:32 in by Super Admin
  • Visits: 845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Sidii Aanu Horay U Balanqaadnay Waddo Kasta Oo La Bilaabo Waanu Isbarbar Taagaynaa, Maskax Iyo Maalna Waanu Ku Daraynaa" Wasiirka Madaxtooyada JSL

    Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali X.Xasan oo Qoraal kooban soo dhigay Boggiisa Facebook iyo Bloggiisa Guusha.com ayaa kaga dareen celiyey Dhismaha Wadda isku xidha Balligubadle iyo Hargeysa oo Xukuumaddu Boqol kun oo Dollar ugu deeqday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali X.Xasan oo Qoraal kooban soo dhigay Boggiisa Facebook iyo Bloggiisa Guusha.com ayaa kaga dareen celiyey Dhismaha Wadda isku xidha Balligubadle iyo Hargeysa oo Xukuumaddu Boqol kun oo Dollar ugu deeqday

 
"Waxaanu Uugu Kala Badinaynaa hadba  Sida Wadooyinku U Kala Muhiimsan Yihiin Iyo Istraatijiyada "Strategy"  Dalka Uu Ka Leeyahay,  sidoo kale waxaanu uugu kala badaniaynaa sida  Dadku U Kala Dedaalaan” 
 

"Hadii ay waddadu tahay mid dhaqaale ama nabadgelyo, xukuumadu awooda ayey saari doontaa sidii loo hirgelin lahaa., hadiiba ay waddadu tahay mid ay bulshadu dedaashay., waa siyaasadii dawlada oo waanu  dhiiri gelinayaa , waxna waanu  la qabanaynaa” 

Waxay ahayd shalay kadib markaan booqasho iskugu jirta dardar galin, indho buuxin iyo taageero muujin uugu tegnay hawl-wadeenada gacanta ku haya jidka dhawaan hirgalintiisa laga bilaabay Baligubadle

Waxaa hubaal ah in dhamaan waddooyinka dalkeena ka socda ay yihiin bilowga horumar baxaaad badan oo dalkeenu gaadho, waxaan hubaa in awooda dadkeena oo kaa kaashanaysa xukuumadooda u dhago nugul horumarku ay xaqiijin doonaan guulo hor leh oo muftaax u  noqota barwaaqo dalkeenu gaadho

Sidii  aanu horay u  balan qaadnay anagoo ka duulaynaa siyaasada Madaxweynaha qaranka ee ku aadan dhiirigalinta dareenka iskaa wax u qabso in  aanu isbarbar taagayno waddo kasta iyo guud ahaanba horumar kasta oo bulsho bilowdo

Waxaa dhab ah in waddooyinka dalka aanu  uugu kala badinayno hadba  sida Wadooyinku u kala muhiimsan yihiin iyo Istaarjiyada dalka uu ka leeyahay iyo sida dadku u kala dedaalaan”

Hadii ay waddadu tahay mid dhaqaale ama nabadgelyo, xukuumadu awooda ayey saari doontaa sidii loo hirgelin lahaa.

Hadiiba ay waddadu tahay mid ay bulshadu dedaashay., waa siyaasadii dawlada oo waa la dhiiri gelinayaa , waxna waa lala qabanayaa.

Waxaan gacantiina hada ku soo wareejiyey lacag dhan $100,000 USD "Boqol kun oo doolarka Maraykanka ah”  oo ah deeqdii xukuumada ee wajiga koobaad, marka aad toban kilo mitir "10km”  aad samaysaanba shan kiiloo mitir "5km”  baanu ku daraynaa.

Waan idiinku hambalyeynaa sida aad dhexda uugu xidhateen hirgalinta jidkan muhiimka ah waayo sidaan wada ognahay Horumarku wuxuu kuu jiraa hadba inta jidka kuu jiro.

Guud ahaan shacabka reer Somaliland ee meel ay jooganba dhismaha dalkooda u heelan waan ku bogaadinayaa damiirkooda gartay in biyo sacabadaada  lagaga dhargo, Dalkeenu ha Guulayso, Dadkeenuna Gobonimo ha ku nooladaan

 

Wa BIlaahi Tawfiiq