Daawo Sawirada: Ciyaaryahan Naafo ah oo magaalada Rio ku dhintay isaga oo ka qeyb galayay Tartan

0
Monday September 19, 2016 - 11:54:44 in by Burco Office
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Ciyaaryahan Naafo ah oo magaalada Rio ku dhintay isaga oo ka qeyb galayay Tartan

    Waxaa geeriyooday Nin Iiraan u dhashay oo curyaan oo ka qayb qaadanayay tartanka baaskiilka ee dadka lixaad koodu kala dhiman yahay ee ka socda magaalada Rio, kaddib markii uu shil galay isaga oo tartanka ku jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa geeriyooday Nin Iiraan u dhashay oo curyaan oo ka qayb qaadanayay tartanka baaskiilka ee dadka lixaad koodu kala dhiman yahay ee ka socda magaalada Rio, kaddib markii uu shil galay isaga oo tartanka ku jira. Guddiga caalamiga ah ee ciyaaraha dadka lixaadkoodu kala dhiman yahay ayaa sheegay in Bahman Golbarnezhad, oo 48 jir ah uu wadnuhu istaagay kaddib markii uu shilka ku galay dhul "buuro lay ah"

Warkaas uu guddigu soo saaray ayaa intaas ku daray "in gaariga gurmadka dagdaga ah la saaray oo loola cararay Isbitaalka Unimed Rio Hospital uuna isla markiiba halkaas ku geeriyooday"

Golbarnezhad ayaa sidoo kale ka qayb galay tartankii dadka lixaad koodu kala dhiman yahay ee London lagu qabtay sanadkii 2012-kii.
Waxaa bilawday baaritaan ku saabsan sida uu u dhacay shilkaasi.

Piers Jones oo ah madaxa arrimaha ciyaaraha ee Guddiga caalamiga ah ee ciyaaraha dadka lixaadkoodu kala dhiman yahay ayaa sheegay "in ay aruurinayaan dhamaan wixii macluumaad ah ee ay heli karaan.

Wuxuu intaas ku daray in Ashrafi uu baaskiilka waday mudo 12 sano ah uuna xaas iyo hal wiil ka tagay, waxaa kale oo uu ku tilmaamay in uu ahaa nin qoys oo aad u jeclaa reerkiisa.

Ashrafi dhimashadiisa ayaa noqonaysa kii koobaad ee ka dhaca ciyaaraha dadka lixaadkoodu kala dhiman yahay tan iyo 1960-kii markaas oo uu geeriyooday Enemark Jensen oo Denmarka u dhashay oo isna baaskiil ku tartamayay magaalada Rome.






Xigasho BBC