Paul Scholes Oo Weerar Ku Qaaday Kooxda Jose Mourinho Ee Man United Xilli Uu Ku Baaqay In Fellaini Kooxda Laga Saaro.

0
Monday September 19, 2016 - 12:31:56 in by Burco Office
  • Visits: 591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Paul Scholes Oo Weerar Ku Qaaday Kooxda Jose Mourinho Ee Man United Xilli Uu Ku Baaqay In Fellaini Kooxda Laga Saaro.

    Paul Scholes ayaa ku weeraray Manchester United qaab ciyaareedka aan joogtada aheyn ee ay soo bandhigayaan, waxaana uu yiri: "Ma garaneysid waxaad ka heli doontid!"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Paul Scholes ayaa ku weeraray Manchester United qaab ciyaareedka aan joogtada aheyn ee ay soo bandhigayaan, waxaana uu yiri: "Ma garaneysid waxaad ka heli doontid!"

Halyeeyga Old Trafford ayaa daawaday iyadoo Watford ay 3-1 ku garaacday Man United, waana guuldaradii seddexaad ee isku xigta ee soo gaartay kooxda Jose Mourinho.

Scholes oo khabiir isboorti u ah kanaalka BT Sport ayaa sheegay in inkastoo ay United xiddigo magac weyn lihi garoonka ugu jiraan hadana si liidata ayay u ciyaarayaan.

"Tayadooda kubada waa mid hooseysa waana heerkii ugu hooseeyay ee aad ka arki laheyd koox Manchester United ah” ayuu yiri. "Laakiin waa sida sida ay xaaladu tahay haatan.

"Ma hubtid waxa aad ka heleysid kooxdaan!

"Rashford ayaa ah kaliya ileyska ka soo dhex ifiya xaqiiqdii, mana uusan ciyaarin kubadiisii ugu fiicneyd. Waxa uu u muuqday halis laakiin kubad heysashada United aad iyo aad ayay u liidatay.

"Waxaan qabaa in shaqsi ahaan aysan aheyn kuwa fiican. Kubad heysashadooda waxa ay aheyd mid hooseysa, waxaana ay kubada u dhiibanayeen si joogta ah.”

feyenoord-v-manchester-united-fc-uefa-europa-league

 

Scholes ayaa sidoo kale sheegay in Man United ay u baahan tahay wax ka badan Fellani, isagoo ugu baaqay Mourinho inuu la soo shirtago kubadsameeye sida Michael Carrick ama Schweinestieger.

"Maanta Fellaini wuu iska fiican, shaqo uun wuu qabtay” ayuu yiri Scholes.

"Laakiin waxaan qabaa haddii aad tahay Man United inaad u baahan tahay wax intaas ka badan.

"Waxaad u baahan tahay qof ciyaarta celin kara sidoo kale, qof kooxda ka soo horjeeda celin kara laakiin sidoo kalena awooda inuu ciyaarta koontaroolo, inuu weerar qaado oo uu kubada weerarka gaarsiiyo.

"Ma fahamsani sababta uu Michael Carrick halkaan u joogo. Waxa uu u muuqday mid baxaya sannadkii hore, haatan hal daqiiqo xitaa lama ciyaarsiinin xilli ciyaareedkan.

"Muxuu sameeyay? ma garanayo.

"Schweinsteiger isagana uma muuqdo mid la rabo.

"Waxaan qabaa inay u baahan yihiin inay booskaas ka ciyaarsiiyaan kubad sameeye.

"Waxaad tihiin Manchester United, waxaadna soo booqaneysaa Watford. Uma socotaa nArsenal marka loo baahna difaacasho adag.”