Garabyada ku loolamaya Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inay ku qancayaan xalka Golaha guurtidu ka gaadhaan Khilaafka Xisbiga Kulmiye.

0
Saturday June 07, 2014 - 11:47:13 in by Super Admin
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garabyada ku loolamaya Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inay ku qancayaan xalka Golaha guurtidu ka gaadhaan Khilaafka Xisbiga Kulmiye.

    iyo dadweynaha reer somaliland oo dhammaantood golaha guurtida ugu baaqay in si cadaalad ah khilaafka u xalliyaan dhexdhexaadna ka noqdaan Xalka Xisbiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyo dadweynaha reer somaliland oo dhammaantood golaha guurtida ugu baaqay in si cadaalad ah khilaafka u xalliyaan dhexdhexaadna ka noqdaan Xalka Xisbiga

Barnaamijka Falanqaynta Jimcaha ee Idaacadda BBC-da ayaa lagu soo qaatay Shalay Khilaafka Kulmiye, waxaana ka qayb galay Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo Garabka Xukumadda ah, Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel oo garabka hogaanka ah iyo Pro. Cabdisalaan Yasiin oo Jaamacadda Hargeysa ka tirsan.

Dood iyo isku Eedayn khilaafka Kulmiye dhinacba dhinaca kale u nisbeeyay ka dib ayaa gaba-gabadii Barnaamijkaasi la waydiiyey labada dhinacba waxa uga meel yaala Go’aanka Guurtidu soo saarto, wuxuuna ugu horayn yidhi Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid "Kalsoonidii in lagu qanacsanyahay odayasha guurtidu wixii ay soo saaraan waanu siinay oo garabkan madaxweynuhu hoggaaminayaa waa siiyay.”

Gudoomiyaha Golaha dhexe Jaamac Shabeel ayaa isna ka hadlay waxa ugu meel yaala Go’aanka Guurtida ""Golaha guurtida annagu maalintii u horaysay ee ay noo yimaadeen ayaanu tallada ugu dhiibnay, iyagaa shan cisho lagu noqnoqnayay, sidaanu ugu dhiibnay ayaanay noogu taalaa annaga.”

Golaha Guurtida oo dhex galay Khilaafka Kulmiye ayaa laga dhur sugayaa Go’aanka ay ka soo saaraan Khilaafka Xisbiga Kulmiye ka dib kulamo ay la yeesheen labada dhinac ee Kulmiye u kala jabay. 


Guddida ayaa hore u sheegtay inay dhagaysteen Dooda labada dhinac, waxaana la filayaa inay dhawaan ka soo saaraan Go’aan dhex-dhexaad ah.


Dadka reer Somaliland ee talada ka dhiibtay ayaa ugu baaqay Guurtida inay ka caddaalad falaan Khilaafka Kulmiye islamarkaana aanay dhinacna raacin ama garabka saarin. 


Mujaahid Xasan Ciise Jaamac iyo Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray(Sheekh Aadan Siiro) ayaa ka mid ahaa dadka Guddida Guurtida ugu baaqay inaanay dhinacna u Iilan labada dhinac ee Kulmiye.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com