WASIIR XIGEENKA GANACSIGA OO SHEEGAY IN GUDDIYADA BEELUHU SAMAYSTEEN LA WAREEGEEN XILKII MADAX DHAQAMEEDKA

0
Saturday June 07, 2014 - 12:14:30 in by Super Admin
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIR XIGEENKA GANACSIGA OO SHEEGAY IN GUDDIYADA BEELUHU SAMAYSTEEN LA WAREEGEEN XILKII MADAX DHAQAMEEDKA

    Wasiir-xigeenka ganacsiga Md. Bashiir Cabdi Xariir, ayaa ka digay guddi beeleedyada sii badanaya ee ay beelaha Somaliland doortaan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir-xigeenka ganacsiga Md. Bashiir Cabdi Xariir, ayaa ka digay guddi beeleedyada sii badanaya ee ay beelaha Somaliland doortaan, waxaanu soo jeediyay inay guddiyadu ku eekaadaan arrimaha horumarinta, taladana loo dabo fadhiisto madaxdhaqameedka.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir oo khamiistii ka qaybgalay Caleemo-saar lagu boqraayay Suldaanka Beesha Cabdale Arab ee gobolka Togdheer ayaa hadal uu ka jeediyay sidaasi ku sheegay waxaanu yidhi. "Inagu waxaynu leenahay Cuqaal iyo Salaadiin xeerkeenuna waxa uu qorayaa waa Cuqaal iyo Salaadiin ,waxaana loo baahanyahay in doorka Cuqaasha iyo Salaadiintu leeyihiin la soo nooleeyo ,indhawayto waxa ina Dhex Cararay wax Gudiyo la yidhaado oo nimankiiba taladii ka qaaday isla markaana aanad fahmaynin qaabka ay u shaqeeyaan.” Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu wasiir ku xigeenku yidhi ,”Markaa waxaan leeyahay Qolyahan Gudiyada ah NGO ha laga dhigo oo xaga horumarinta reeraha haka shaqeeyaan oo talada Beelaha faraha ha kala baxaan ,Talada reerahana Salaadiinta ha loo daayo ,waayo iyagaa ka dhow.” ayu yidhi

Inta badan ee Beelaha Somaliland afartii sannadood ee u dambeeyay samaystay guddiyo horumarineed oo mararka qaar jaan gooya arrimaha siyaasadda ee beeshooda



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com