War Deg Deg ah: Guddidii Dhexdhexaadinta Khilaaka Kulmiye ee Golaha Guurtida oo ku dhawaaqday Go'aankii ay ku xalliyee khilaafka Kulmiye iyo labada dhinac oo la sheegay inay aqbaleen

0
Saturday June 07, 2014 - 12:35:22 in by Super Admin
  • Visits: 1424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg ah: Guddidii Dhexdhexaadinta Khilaaka Kulmiye ee Golaha Guurtida oo ku dhawaaqday Go'aankii ay ku xalliyee khilaafka Kulmiye iyo labada dhinac oo la sheegay inay aqbaleen

    Guurtida ayaa marki ay labada garab mid walba gaar ula kulmeen isla markaasna dhegaysteen dacwadahooda soo saaray go'aan 3 qodob ka kooban

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guurtida ayaa marki ay labada garab mid walba gaar ula kulmeen isla markaasna dhegaysteen dacwadahooda soo saaray go'aan 3 qodob ka kooban

Gudida Dhexdhexaadinta Khilaafka Kulmiye oo Soo Saaray Go;aamo Ka kooban Sadex qodob oo Ka mid ah kuwii Ka soo baxay Shirgudoonkii Kulmiye Lagu dhaqmo iyo in dadkii khilaafka kulmiye Loo xidh xidhay La siidaayo.

Gudoomiyaha Guurtida ayaa ku dhawaaqay go’aankii Golaha guurtida ee khilaafka Kulmiye. oo kala aha: Guddiga Golaha Guurtiddu ka dib

Markii ay dhegaysteen: Dacwaddaha Labada dhinac, darseena Qoraaladdii ay u soo kala gudbiyeen;

Markii ay arkeen : Qoddobka 19aad ee Dastuurka Xisbiga Kulmiye, Xarafkiisa H, Faqradiisa 1aad; Markii ay arkeen : Xeerka Diiwaan-gelinta Ururadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Xeer Lambar 14, Qoddobkiisa 25aad, Faqradihiisa 4aad & 5aad; Markii ay Arkeen Warqadda Sumadeedu tahay GDU/AA/206/2014, kuna Taariikhaysnayd 31/05/2014ka oo ka soo baxday Xafiiska Guddiga Diiwaan-gelinta Ururadda iyo Axsaabta Qaranka; Markii ay Arkeen Go’aankii Guddiga Turxaan-bixinta ee u Madaxweynuhu u magacaabay khilaafka Xisbiga dhexdiisa 01/01/2014, Qoddobadiisa 5aad iyo 6aad ee ku Taariikhaysan 22/02/2014. Iyadda oo ay waajib tahay in la soo af-jaro Khilaafkan Cakiran ee hadheeyay Xisbiga Kulmiye si aanu u sababin Bur-bur iyo kala-qaybsanaan ku yimaadda Xisbiga Dhexdiisa Haddaba, Guddiga Golaha Guurtiddu iyaga oo ka duulaaya dhammaan Arrimahan kor ku sheegan waxay soo saareen Go’aamaddan: –

1. In Go’aanaddii ka soo baxay Shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye oo ay soo saareen Shir-guddoonkii Shir-weynuhu, una gudbiyeen Madaxweynaha JSL, Guddoomiyaha Xisbiga, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta, Isla markaana ay Guddiga Diiwaan-gelinta Ururadda iyo Asxaabta Qaranka ansixiyeen ay sidooda Dhaqan-gal u yihiin.

2. Inkasta oo u Xaq u yeelan karo Madaxweynuhu iyo Qof kasta oo Dalka Madaxweyne ka noqdaaba in uu dhammaysto Labadda Teeram Doorasho ee Dastuurku u jideeyay, hase yeeshe in cid kasta oo ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Buuxisa Shuruudaha laga rabo qofka isu taagaya Doorashadda Jagadda Madaxweynaha uga tartami karo Golaha dhexe ee Kulmiye dhexdiisa. a. Waxa Reeban Shacaa’ir kasta oo muujinaya Astaan Musharax ama Doorasho ka hor inta aan la gaadhin wakhtiga ku muddaysan Xeerka Doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka;

3. Wixi dad loo xidh-xidhay Arrimo la xidhiidha Khilaafka Xisbiga Kulmiye la sii daayo. 


Qodobada ay soo saareen Ergadii Dhexdhexaadinta ka dhex wadday xisbiga kulmiye ee ka koobnayd Golaha guurtida ayaa sida la sheegay loo gudbiyey labada dhinac iyagoo labada dhinac ba qalinka ku duugay, isla markasna aqbalay, weli se lama oga sida ay u dhaqan geli doonan ama u fuli doonaan qodobadani.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com