"Waxaanu ku boorinaynaa Guddida Qaramada midoobay ee daba galka cunaqabataynta Hubka Somalia iyo Eritrea, inay joojiyaan Fara gelinta Arimaha Somaliland." Madaxweyne Siilaanyo

0
Saturday June 07, 2014 - 13:10:21 in by Super Admin
  • Visits: 878
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaanu ku boorinaynaa Guddida Qaramada midoobay ee daba galka cunaqabataynta Hubka Somalia iyo Eritrea, inay joojiyaan Fara gelinta Arimaha Somaliland." Madaxweyne Siilaanyo

    Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddiga UN Monitoring Group Ugu Baaqay Inaanay Faraha La Soo Gelin Arrimaha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddiga UN Monitoring Group Ugu Baaqay Inaanay Faraha La Soo Gelin Arrimaha Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si kooban uga hadlay Warbixin Guddida daba galka cuna-qabataynta Hubka ee Somalia iyo Eritrea u gudbiyeen Golaha amaankaanka Qaramada Midoobay, taasi oo ay ku sheegeen in Somaliland qoranayso Ciidan ilaalinaya Shirkaddaha shidaal baadhista oo halis ku keeni kara Amaanka Mandaqadda.


Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed SiilaanyoWaxa uu kooxda UN Monitoring Group ee qaabilsan Ereteriya iyo Somaliya ugu baaqay inaanay soo dhex gelin arrimaha Somaliland, ka dib warqad ay dhawaan ka qoreen Somaliland.


"Waxaanu ku boorinaynaa Guddida Qaramada midoobay ee daba galka cunaqabataynta Hubka Somalia iyo Eritrea, inay joojiyaan Fara gelinta Arimaha Somaliland. Somaliland waxay ilaalinaysaa Hantideeda Dhaqaale” ayuu ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo Qoraal uu ku daabacay Bartiisa Twitter-ka.


Mr. Jarat Chopra, oo ah madaxa kooxdan ayaa isna warqad uu dhawaan u diray golaha ammaanka Qaramada Midoobay kaga digay ciidamo gaar ah oo ay dawladda Somaliland u samaynayso shidaal baadhista, waxaanu ka digay inay ciidamadaasi sii adkayn karaan xiisadaha ka jira gobalka Geeska Afrika iyo gudaha Somalilandba.


Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Cali Cadami, ayaa isna hore u deedefeeyay warbixinta kooxdan, waxaanu ku tilmaamay guddi fashilantay.


Laakiin guddigan ayaa ah guddi awood badan oo dhawr jeer soo bandhigay fadeexado musuqmaasuq oo ay dawladda Somaliya ee Xasan Sheekh dhex dabaalatay. Sannadkan 2014 dhawr goor ayaa waxa Hargeysa yimid xubno ka socda guddigan, waxaanay guddigani u muuqdaan inay warbixintooda sannadkan ay soo saarayaan ay Somaliland qayb badan ku yeelato.


Somaliland ayaa wada qorshe ay Ciidan u gaara ugu samaynayso Shirkaddaha Shidaalka Somaliland ka baadhaya, hase ahaatee Guddida Qaramada midoobay waxay sheegtay inay halis ku keeni karaan ciidankaasi Somaliland gudaheeda, una horseedi karaan Puntland iyo Somaliland Dagaal ka dhex dhaca iyo sidoo kale Mandaqada Geeska Africa oo amaankeedu cago badan ku taagnayn.





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com