Guddida Doorashoyinka Somaliya Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Halka Ay Wax U Marayan Iyo Caqabadaha Ka Hor Yimi.

0
Thursday September 22, 2016 - 12:09:35 in by salman abdi
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Doorashoyinka Somaliya Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Halka Ay Wax U Marayan Iyo Caqabadaha Ka Hor Yimi.

    Soomaliya waxay u dhaqaaqday inay qabsato doorashooyin 2016 ka. Doorashadan dadban waxay ka duwan tahay dhammaan hannaankii Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), ayaa caawa War Saxaafadeed kaga warbixiyay halka uu marayo geedi-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaliya waxay u dhaqaaqday inay qabsato doorashooyin 2016 ka. Doorashadan dadban waxay ka duwan tahay dhammaan hannaankii Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), ayaa caawa War Saxaafadeed kaga warbixiyay halka uu marayo geedi-socodka doorashooyinka sanadkan lagu wado in ay dalka ka dhacaan.

Guddiga Doorashooyinka, ayaa waxay sheegeen in Guddiyada Dawlad Gobaleedyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD), ay ku guda jiraan dabagalka soo gudbinta liisaska ergooyinka doorashada ee Xarumaha Dowlad Goboleedyada.

Qaybta dhexe ee War Saxaafadeedka, ayaa waxaa lagu xusay in Guddiga Doorashooyinka ay hirgeliyeen mareeg, ay dadku kala socon karayan halka ay wax u marayan Guddiga Doorashooyinka.

War Saxaafadeedkoodan, ayaa u qornaa sidatan:-

Muddo 47 sano ka dib, Soomaliya waxay u dhaqaaqday inay qabsato doorashooyin 2016 ka. Doorashadan dadban waxay ka duwan tahay dhammaan hannaankii hore ee soo

xulidda wakiillada dadweynaha ee hay’adihii hoggaaminta ee dalka horey uga dhacay.

 

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), asagoo ka amba qaadaya arrintaas, wuxuu u xaqiijinayaa dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada beesha caalamka in hirgelinta qorshaha geeddi socodka doorashooyinka 2016 ka uu marayo heer wanaagsan. Guddigu wuxuu sameeynayaa dadaal kasta oo lagu hubinayo in hannaanka geeddi socodka doorashooyinka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay ku qabsoomaan waqtigii loogu tala galay. Sidoo kale, GFHDD wuxuu xoogga saarayaa in doorashooyinka 2016 ka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay noqdaan doorashooyin daah furan oo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa wacyigelin la siiyay Madax-dhaqameedyada oo lagu tababaray doorkooda iyo masuuliyadahooda la xiriira soo xulidda ergooyinka iyo asteeynta kuraasta ay u tartamayaan haweenka ee doorashooyinka 2016 ka.

Guddiyada Dawlad Gobaleedyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) waxay hadda ku guda jiraan dabagalka soo gudbinta liisaska ergooyinka doorashada ee xarumaha dawlad goboleedyada. Waxaa socda soo dhameystirka liisaska ergada, sidoo kale waxaa la sugay goobihii cod bixinta marka laga reebo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa lala wadaagay bulshada xogta ku saabsan doorashada 2016 ka iyadoo la qabtay war saxaafadeedyo, shirar jaraa’id iyo waraysiyo ay GFHDD si joogto ah u siiyeen Idaacadaha, telefishannada dalka iyo warbaahinta caalamka kuna soo baxay shabakadda doorashada 2016 ka (www.doorashada2016.so) si bulshada loola socodsiiyo geeddi socodka doorashada iyo heerarka ay marayso.

Inkastoo horumar baaxad leh laga sameeyay arrimaha doorashooyinka, welina aan qorsheyneyno in aan ku soconno jadwalkii shaqada, haddana waxaa jira in hawlaha qaar ay ku dhameystirmi karin waqtigii loogu talagalay in lagu qabto, kuwaasoo ay ka mid yihiin caqabado isugu jira arrimo siyaasadeed, amni, hannaanka maamulidda miisaaniyadda doorashooyinka, iyo madax dhaqameedyada oo aan weli soo dhameeystirin liisaska ergooyinka.

GFHDD waxuu ku hawlan yahay dadaallo uu xal ugu raadinaayo arrimaha Somaaliland ee la xiriira doorashada dadban iyo xal u helidda goobta lagu qabanayo doorashooyinka Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Haddaba si loo dardar geliyo hawlaha doorashada, isla markaana xal looga gaaro caqabadaha taagan, GFHDD iyo guddoomiyayaasha GDGHDD ayaa kulan wadatashi ah u billaabanayaa 23da Sebtembar 2016, kulankasoo ka dhici doona magaalada Muqdisho laguna go’aamin doono dib u xaqiijinta iyo ilaalinta farsamo ee jadwalka doorashada 2016 ka.

Haddaba, GFHDD waxuu ku boorinayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka in ay soo dedejiyaan magacaabista musharraxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayagoo xil iska saaraaya in uusan dib u dhac ku imaanin hannaanka doorashooyinka 2016 ka.

GFHDD wuxuu halkaan uga mahad celinayaa Madasha Hoggaanka Qaran oo maanta soo gudbiyay liiska magacyada Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban.

GFHDD waxuu u mahad celineynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed dulqaadka iyo taagerada joogtada ah ay la garab taagan yihiin guddiyada ku hawlan geeddi socodka hannaanka doorashooyinka dadban ee 2016 ka.

Waxaa sidoo kale mahadnaq mudan saaxiibada beesha caalamka taageerada maaliyadeed iyo midda farsamo ee ay ka gaysteen hirgalinta doorashadooyinka dadban ee 2016 ka.

 

Sources:Universaltv.