Dalka Briting Oo Shaqo Abuur U Samaynaya Shacabka Ku Dhaqan Dalka Itobiya

0
Thursday September 22, 2016 - 13:00:12 in by salman abdi
  • Visits: 681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Briting Oo Shaqo Abuur U Samaynaya Shacabka Ku Dhaqan Dalka Itobiya

    Dawladda Britain, Midawga Yurub iyo Bangiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay qorshe ay shaqo abuuritaan ugu samaynayaan 100,000 oo ruux oo ku sugan dalka Itoobiya, arrintaas ayaa looga golleeyahay in lagaga hor tago dhibaatada qaxootiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Britain, Midawga Yurub iyo Bangiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay qorshe ay shaqo abuuritaan ugu samaynayaan 100,000 oo ruux oo ku sugan dalka Itoobiya, arrintaas ayaa looga golleeyahay in lagaga hor tago dhibaatada qaxootiga.

Labo warshadood ayaa laga dhisi doonaa Itoobiya waxayna ku kici doonaan 500 oo milyan oo doolar.

Itoobiya oo iyadu qorshahan la timid ayaa laga doonayaa in ay 30,000 oo qaxooti ah siiso ruqsado shaqo.

Image copyrightGETTY IMAGES
Image captionRa'iisalwasaaraha Britain Theresa May ayaa ammaantay qorshahan

Raii'salwasaaraha Britain, Theresa May ayaa sheegtay in mashruucani uu muunad u noqon karo sida loo caawin karo dalalka danyarta ah ee martigaliya tiro badan oo muhaajiriin ah.

Itoobiyo waxay hoy u tahay 700,000 oo magangalyo doon ah, kuwaas oo intooda badan ka soo jeeda Suudaanta Koonfureed, Eritrea iyo Soomaaliya.

Qorshahan oo Arbacadii lagaga dhawaaqay shirka Qaramada Midoobay ee qaxootiga ee magaalada New York ayaa lagu maalgalin doonaa dayn uu bixinayo Bangiga maalgalinta Yurub (EIB) iyo lacago deeq ah oo ay bixinayaan UK iyo Bangiga Adduunka.

Sida lagu heshiiyayna Itoobiya waxay ruqsado shaqo siin doontaa dadka qaxootiga ah oo intooda badan aan hadda haysanin fursado ay ku shaqaystaan.

Tiro badan oo shaqo abuuritaankan ka mid ahna waxaa loo qoondayn doonaa dhallinyarada Itoobiyaanka ah oo in badan shaqo doon ah.

Itoobiya ayaa hoy u ah qaxootiga ugu badan ee Afrika ku sugan wakhti xaadirkan.

Sources/BBC-somali