Shariif Sh.Axmed Oo Manta Si Baladhan Logu So Dhaweeyay Magalada Muqdish

0
Thursday September 22, 2016 - 13:11:35 in by salman abdi
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Sh.Axmed Oo Manta Si Baladhan Logu So Dhaweeyay Magalada Muqdish

    Muqdish(AFKA);Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mudo sanado ah dalka ka maqnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdish(AFKA);Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mudo sanado ah dalka ka maqnaa.

Masuuliyiin katirsan Dowlada iyo taageerayaal badan ayaa garoonka kusoo dhaweeyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana garoonka si weyn looga dareemayaa soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Dhinaca kale Wariyaasha ka howlgala Warbaahinta Muqdisho ayaa loo diiday in ay galaan garoonka ayna soo tabiyaan soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya , wariyaasha qaarkood ayaana loo ogalaaday in ay gudaha galaan iyaga oon wax qalab ah wadan.
Ciidamo katirsan AMISOM iyo kuwa gaar ah ayaa loo diyaariyay sugitaanka amniga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana la filayaa in loo galbiyo guri gaar ah uu Muqdisho ka dagayo kulana hadlo warbaahinta.
Dowlada Soomaaliya ayaa shalay soo saartay amar ah in Wariyaasha aysan garoonka gali karin wax warbixin ahna aysan kasoo tabin karin, waxaana arintaasi loo arkay mid lagu doonayo in lagu qariyo taageerada iyo soo dhaweynta Musharaxiinta dibada ka imaaneysa.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in uu si rasmi ah ugu dhawaaqo in uu yahay Musharax u taagan Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna kamid yahay Sheekh Shariif raga ugu miisaanka culus ee loo saadaalinayo in doorashada ay ku guuleesan karaan.