"Wacyi-gelinta ubaxa umadda iyo maalinteennii qara" Dhalinyarada Wadajirka iyo Waxqabadka

0
Thursday September 22, 2016 - 16:04:37 in by salman abdi
  • Visits: 745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Wacyi-gelinta ubaxa umadda iyo maalinteennii qara" Dhalinyarada Wadajirka iyo Waxqabadka

    waxaa markale sidii caadada ahayd 19ka bil kasta bahda wadajirka iyo waxqabadku udareereen shaqo qaran oo ka dhacday guud ahaan gobolada somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa markale sidii caadada ahayd 19ka bil kasta bahda wadajirka iyo waxqabadku udareereen shaqo qaran oo ka dhacday guud ahaan gobolada somaliland.

waxay ahayd subax ifaysa oo aad uga duwan subaxaha kale, waxaa wacyi galin loogu jarmaaday dugsiyada hoose dhexe ee dawliga ah iyadoo ardayda lagu wacyi galinaayay qaab dhaqanka wanaagsan ee Islaamka iyo wanaagga ardayga summadda u ah marka uu dugsiga joogo iyo marka uu bulshadaku dhex jiraba, iyada oo si gun dheer loo dareensiinayo inay yihiin rajada kaliya ee dalka iyo dadkuba ku ildoogsadaan.

Waxa sidoo kale ardaydaa lagu baraarujiyay inay dhawrtaan hantida guud ee dugsiyadooda taala sidoo kalena ay ka qayb qaatan dayac tirka agabka waxbarasho ee dugsigooda ka xumaada.
Guud ahaan waxay ahayd maalin aad udareen badan oo ugu yaraan 5kun oo arday oo ku kala sugan 10 dugsi oo gobalada kala duwan ee dalkaa lala wadaagay fariintaa wadaniyada iyo wacyi galinta xambaarsan, iyadoo ugu dambayntiina guddiyo ardayeed ka qaybqaata horumarinta dugsiyadooda aanu halkaa kasoo samaynay annagoo si joogtaa ugala shaqayn doona baahiyaha dugsiyadaas.
Hawshan oo ka qabsoontay Hargaysa, Burco, Berbera, Borama, Ceerigaabo, Laascaanood iyo Gebilay ayaa ahayd hawl na bartay in baahi loo qabo wacyi-gelin la siiyo ubaxa mustaqbalka.
Farriintayaduna waa: Fadlan qof kastow Soo booqo dugsiga kuugu dhow oo wacyi gelin iyo toosinba sii ubadka dalka usoo baxaya.

Mahad ballaadhan dhammaan intii hawshaas u dhaqaaqday, inta taageersan iyo inta hanka iyo dunta wanaagsan ee wanaagga jecel.