"May dhicin dunida meel layidhaahdo Madaxweynihii xisbiga ka soo baxay oo jooga Madaxweyne soo deg oo .."

0
Saturday June 07, 2014 - 15:32:17 in by Super Admin
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "May dhicin dunida meel layidhaahdo Madaxweynihii xisbiga ka soo baxay oo jooga Madaxweyne soo deg oo .."

    Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee xisbul-xaakimka talada dalka haya ee KULMIYE ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee xisbul-xaakimka talada dalka haya ee KULMIYE ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye),
 ayaa ku Eedeeyay Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi inuu ku deg-degay ku dhawaaqista Musharaxnimada Madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE, isla markaana waxa uu ganafka ku dhuftay golaha dhexe iyo fulintii ay magacaabeen Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa,isagoo taageerayna liiskii guddidii iyo fulintii ay ku dhawaaqeen shir-guddoonkii shir-weynaha 3-aad ee xisbi-xaakimka KULMIYE ay soo saareen. Guddoomiyaha 2-aad ee xisbiga KULMIYE Xildhibaan Waabeeye oo jooga dalka Germany, waxa uu shuruud ku xidhay musharaxnimada Muuse Biixi, waxaanu sheegay in u-jeedadda loo qaabtay shir-weynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE ahayd in la doorto hoggaanka iyo in shir-guddoonkii shir-weynaha 3-aad ee KULMIYE ay soo saaraan liiska golaha dhexe iyo fulinta xisbi-xaakimka KULMIYE. "Shir-weynihii 3-aad ee xisbi-xaakimka KULMIYE u-jeedada ugu weyn ee loo qaabtay waxay ahayd inay ka soo baxdo, In lagu doorto hoggaanka xisbiga iyo golaha dhexe ee xisbiga iyo guddida fulint sid uu sheegayo xeer 14-aad ee xisbiga, laguna ansixiyo qodobkaas. Markaa run ahaantii waxay ahayd in shir-guddoonkii shirku ay ku dhawaaqaan liiska guddida dhexe iyo fulinta xisbiga KULMIYE, wayna ku dhawaaqeen oo natiijadii golaha dhexe waa lagu dhawaaqay, waxaana rajeenayaa inay soo af-jarmayso khilaafka jira sida ugu dhakhsaha badan. Asxaabta waxa loo furtay inay dalka hoggaamiso, marka xisbiga KULMIYE wuxuu gaadhay himiladisii ugu saraysay ee ahayd inuu dalka hoggaamiyo. Madaxweynaha ayaa mar labaad xaq u leh, dastuurkuna wuu siinayaa inuu mar labaad musharaxa Madaxweynaha xisbiga noqdo,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha 2-aad ee xisbiga KULMIYE xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), oo todobaadkan aynu ku jirno Telifeeshanka Horn Cable ugu waramayay dalka Jarmalka 

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee KULMIYE waxa uu sheegay innaanay dunida meel ka dhicin in la yidhaahdo xisbigii Madaxweynuhu ka soo baxay oo jooga Madaxweyne ka deg oo kan kale ayaaanu saaraynaa waxaanu yidhi,"May dhicin dunida meel layidhaahdo Madaxweynihii xisbiga ka soo baxay oo jooga Madaxweyne soo deg oo kan kale ayaanu saaraynaa.


Run ahaantii waa arrin khaldan, haddana ka xisbi ahaan waxaanu leenahay Madaxweyne iyo ku-xigeen sharcina way u leeyihiin in mar labaad isa-soo sharaxaan, Xisbihaana hoggaankii dalka anaga ayaa gacanta ku ahayna.” Guddoomiyaha 2-aad ee KULMIYE waxa uu sheegay inuu madnuuc ka yahay inuu is sharaxo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, kaas oo tilmaamay in Madaxweynihii xisbiga ka soo baxay uu talada dalka hayo."Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE madnuuc ayuu ka yahay inuu meel Madaxweynihii xisbiga ka soo baxay taagan yahay yidhaahdo waan sharaxanahay, waxaan qabaa inuu ku deg-degay arrintaas,”Ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye. Sidoo kale, Xildhibaan Waabeeye oo arrimahaas ka sii hadlaya waxa uu yidhi,"Wax ka xarimaaya Madaxweynihii la doortay ee ka soo baxay KULMIYE ayaa jooga.


Markii aanu u dooranaynay Madaxweyne Siilaanyo inuu noqdo musharaxa Madaxweynaha xisbiga waa la isla sharicikarayey, laakiin immika Madaxweynihii xisbiga ka soo baxay ee dastuurku mar labaad siinayey ayaa u sharaxan xisbiga oo jooga mana dhacayso.” Geesta kale, Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag-dhow xarunta Madaxtooyada Somaliland ayaa xalay Wargeyska Ogaal u sheegay in Gudidii dhex-dhexaadinta iyo isu soo dhawaynta khilaafka cakiran ee ka taagan xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE ay garabkii Xukuumadda ee Madaxweyne Siilaanyo shalay la kulmeen, isla markaana waxay sheegeen xogahaasi inay iska waraysteen waxyaabaha keenay muranka badan ee soo noq-noqoyayey waqtiyadan dambe.

Haddaba kulankan guddida turxaan-bixinta ee khilaafka KULMIYE ee uu gadhwadeenka ka yahay guddoomiyaha guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo xubnaha ku wehelinaaya ayaa doraato xarunta guurtida kula kulmay garabka Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac Shabeel, isla markaana wararku waxay intaas ku darayaan in guddida guurtidu ilaa maanta ama beri ay go’aan ka soo saartaan khilaafka xisbiga KULMIYE ee labada garab.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com