Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddomiye Muuse Bixi Cabdi sidee ayay u arkeen Go'aankii Guddigii dhexdhexaadintu soo saareen?

0
Saturday June 07, 2014 - 16:21:24 in by Super Admin
  • Visits: 1045
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddomiye Muuse Bixi Cabdi sidee ayay u arkeen Go'aankii Guddigii dhexdhexaadintu soo saareen?

    Golaha Guurtida Somaliland ayaa Goor dhaweyd ku dhawaaqay Natiijada Go'aamo ay ku dhexdhexaadinayeen labadii garab ee isku hayay Xisbiga Kulmiye, waxana labada masuul ee kala hogaaminayeyba ka dareen celiyeen siday u arkaan go'aanka guurtid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Guurtida Somaliland ayaa Goor dhaweyd ku dhawaaqay Natiijada Go'aamo ay ku dhexdhexaadinayeen labadii garab ee isku hayay Xisbiga Kulmiye, waxana labada masuul ee kala hogaaminayeyba ka dareen celiyeen siday u arkaan go'aanka guurtida

Hadaba Madaxweynaha Somaliland iyo guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo kala hogaaminayay labada dhinac ee uu khilaafka Kulmiye dhex yaalay ayaa la waydiiyay sida ay u arkaan xalka Khilaafka ay Golaha Guurtidu ka soo saareen khilaafkaasi kulmiye.

Ugu Horeyn Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la waydiiyay sida uu arko go’aanka ay Golaha Guurtida Somaliland ku dhexdhexaadiyeen khilaafkii labada garab ee kulmiye ayaa sheegay in uu qaatay, waxaanu yidhi "Waan Qaatay Go’aankaasi ay golaha guurtidu soo saareen” ayu yidhi

Mar la waydiiyaay bal sida uu arko waxa u uyidhi  "Sida ay tahay ayaanu u aragnaa, waxa ay tahayna waanu qaadanay, maadama aanu aqbalnay in ay Golaha Guurtidu dhexdhexaadin gasho,” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Dhinaca Kale Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka dib markii ay Golaha Guurtidu halkaasi ka akhriyeen Go’aanka ay ku dhexdhexaadiyeen labadii garab ee isku hayay Xisbiga Kulmiye la weydiiyay sida uu arko xalka ay keeneen Golahaasi ayaa yidhi "Waxa ay ila tahay hadii aad rag arrin u dhiibato, maaha sidii aad doonaysay in ay kuu xukumaan, in kasta oo ay adag tahay sida ay wax u jareen, hadana waan aqbalay” ayuu yidhi.

Muuse Biixi Oo La Waydiiyay bal in uu ku qancay Go’aankaasi ayaa yidhi "Aniga waxba la iima soo qaadin, dhinacii kale ayaa wax la siiyay, waan qaatay, danta qaranka ayaanan u qaatay” ayuu yidhi.

Dhinaca kale waxa iyaguna halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Xaaji Cabdi Xuseen oo sheegay in go’aamadani ay ahaayeen kuwo xal lagu raadinayo.

Waxa ay labada dhinacba uga mahad celiyeen sidii fiicnayd ee ay u aqbaleen go’aanada ay soo saareen.

isku soo wada duubo khilaafkani ayaa aha khilaaf kii ugu waynaa ee abid soo kal dhex gala xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye isagoo u kala qaybiyaay laba garab ku waasi oo si gaar gaara ah warbaahinta isagu marinyaay hadalo aan la jecelaysan balse wax guul arintaasi ka soo hooyaay golah guurtida JSL oo iyagu u guntaday daminta khilaafka siyaasadeed ee xisbiga kulmiye.





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com