HAMBALYAAN IDIIN DIRAY HADII AAD HESHIISEEN HAWSHA GUUD KA RAACDEEN…

0
Sunday June 08, 2014 - 11:28:24 in by Super Admin
  • Visits: 993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HAMBALYAAN IDIIN DIRAY HADII AAD HESHIISEEN HAWSHA GUUD KA RAACDEEN…

    Runtii hadal badan ma jecli inaan qoro waxoogaase dardaaran iyo xasusin….

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Runtii hadal badan ma jecli inaan qoro waxoogaase dardaaran iyo xasusin….


 

Waxan Salan sharaf u dirayaa Madax iyo shacaba reer Somaliland,bahda saxaafa iyo khaasatan cidii akhrida maqaalkan…

 


Runtii hadal badan ma jecli inaan qoro waxoogaase dardaaran iyo xasusin….

Waxaan wada ognahay dibad iyo gudaba qofkastoo muwaadin ahi degenaansho la aan ayaa haysay markaa waa Alxamdu Lillaah hadii ay inaga soo dhamaatay waxaanse leeyahay wax kastoo yimaadaba cashar halaga barto si aanay dib uso noqon….

Hambalyaan idiin diray

Hogaankayga guudoow

Hanadadaan jeclaayoow

Hadadan aan joognaba

Hadii aad heshiiseen

Hadhacii timaadeen

Hadalkii dhamayseen

Hawsha guud ka raacdeen

Halbawlaheena dhawrteen

Haldoorkeena maqasheen

Hooyadeen adeecdeen

Hambalyaan idiin direee

Halkaa kasii wada….

Hada waan ogsoonahay

Halkayn maanta joogno

Hanti aan yarayniyo

Hanadaan u weynee!!

Imisaa Halyey raga 

halgankii galaaftay!

Imisaa habeen madow

HANGASH aan naxayniyo

Haawaydii qaadoo

Halaqyo ay gumeen!

Hibashada xusuusta

Halkaa i gaysayee

Hadalka yaanan badine,

Hamigeenu waa meel

Halmida ahaada!

Halkaa kasii wada….




by Albashir Jama (ina Candhagal) 

Germany