DAAWO: ENGLAND OO TAAKO KALA KULANTAY HONDURAS IYADOO BIRIQ AY HAKISAY CIYAARTII MAIMI

0
Sunday June 08, 2014 - 12:29:56 in by Super Admin
  • Visits: 856
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO: ENGLAND OO TAAKO KALA KULANTAY HONDURAS IYADOO BIRIQ AY HAKISAY CIYAARTII MAIMI

    England ayaa barbaro goolal la'aan ah waxaa ku qabatay xulka Honduras oo 10 ciyaaryahan ku ciyaarayay ka dib markii biriq ay joojisay ciyaarta muddo 30 daqiiqo ah qeybteedii hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

England ayaa barbaro goolal la'aan ah waxaa ku qabatay xulka Honduras oo 10 ciyaaryahan ku ciyaarayay ka dib markii biriq ay joojisay ciyaarta muddo 30 daqiiqo ah qeybteedii hore.

Kooxda Roy Hodgson ayaana abuuray fursado iyadoo karoos ka yimid Rooney uu qasaariyay Welbeck, halka Daniel Sturridge uu banaanka mariyay kubad ay aheyd inuu dhaliyo.

1252885-27049199-640-360

Laakiin iyadoo England ay jaanta isla heleyso waxaa ciyaarta la joojiyay in ka badan 30 daqiiqadood iyadoo ay ugu wacneyd biriq xoogan oo dhaceysay taasoo waxyeelo geysan kartay.

Markii uu roobka joogsaday waxaa jiray jaalayaal badan oo la bixiyay marka loo fiiriyo fursadihii la abuuray.

Honduras ayaa 20kii daqiiqo ee ugu danbeysay ciyaarta ku ciyaartay 10 ciyaaryahan ka dib markii Brayan Beckeles la siiyay jaalihiisii labaad markii uu qalad ku galay Leighton Baines.

Afkashacabka.com / Sports

Contact@afkashacabka.com