Xisbiga UCID oo ka Soo saaray War-Saxaafadeed Shir loo Qabanyo Somalia oo ka Dhacaya Sweden Fariina u diray Jaaliyada Somaliland ee Sweden

0
Sunday June 08, 2014 - 22:12:04 in by salman abdi
  • Visits: 862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID oo ka Soo saaray War-Saxaafadeed Shir loo Qabanyo Somalia oo ka Dhacaya Sweden Fariina u diray Jaaliyada Somaliland ee Sweden

    Xisbiga UCID ayaa xukuumadda Somaliland ku bogaadiyey qaadacaada ay ku joojisay ka qayb galka sghir ganacsiga qaybaaha Somaliya Dawladda Sweden ugu qabanayso Dalkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga UCID ayaa xukuumadda Somaliland ku bogaadiyey qaadacaada ay ku joojisay ka qayb galka sghir ganacsiga qaybaaha Somaliya Dawladda Sweden ugu qabanayso Dalkeeda.

Xisbiga UCID, waxa uu mar kale xukuumadda ugu baaqay inay ka joojiso tagitaanka shirkaasi Ganacsatada Reer Somaliland ee lagu soo marti-qaaday, iyagoo ku dooday inaanay wax dan ahi jirin.

War_Saxaafadeed

Ujeedo: (Shirka Somalia E Ka Dhacaya Sweden)

Sida laga warqabo waxa tobanka Bisha June 2014, lagu qabanayaa shirweynaha Fursadaha Ganacsiga ee Somalia (Conference on business opportunities in Somalia). Shirkan waxa soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Sweden.

Sida ku cad Qorshaha barnaamijka Shirka , waxa lagu sheegay inay ka qayb geli doonaanaan wax loogu yeedhay Wazaaradaha Ganacsiga Dowladda Somalia, Somaliland, Puntland iyo Jubba land. Waxa kale oo shirka ka qayb gelaya wax loogu yeedhay shirkadaha ganacsiga ee ka soo kala jeeda Maamulladan, Ganacsato reer Sweden ah iyo Qurbo joogta Somalida oo aan loo kala aabbo yeelin.

Si loo hubiyo xaqiiqda shirkaas iyo saamaynta uu ku yeelan karo Siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland, Milgaha dowlad-nimo ee Somaliland iyo danaha guud ee qaranka, wuxuu xisbga UCID raadiyey sida ay Xukuumadda Somaliland uga warqabto iyo siyaasadda dowladda ee ku aadan shirkan, waxa xisbigu u saaray guddi arrintan soo baadha iyadoo lala kaashanayo hay’adaha Dowladda oo ay khusayso. Sida Wasaarada Ganacsiga,ArimahaDibada

Xisbigu UCID, wuxuu si gaar ahu bogaadinayaa Agaasimaha guud iyo Agaasime waaxeedyadawasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga oo si fiican noogaga war bixiyey siyaasadda guud ee ganacsiga iyo Maalgashiga ee Somaliland iyo Halka ay Xukuumaddu ka taagan tahay Shirkaas oo na farxad geliyey (In Aaney Somaliland Ka Qaybgaleyn) waayo waa wax aan micno buuxa u lahayn Shacbigeena lidna ku ah Danaha iyo Milgagaha Qarannimo e Somaliland.

Waxa kale oo u caddaatay Xisbiga UCID, in ay jiraan Ganacsato reer Somaliland ah oo shirkaas lagu martiqaaday oo la filayo inay ka qayb galaan .

Sidaa awgeed, iyadoo uu Xisbigu garwaaqsan yahay siyaasadda qaranka ee Ganacsiga Xorta ah, iyo madax-bannaanida ganasatada ee ku raadsan karaan maalgashi, Hase yeeshee wuxuu xisbiga UCID ka dayrinayaa ka qayb galka shirkaas oo aan wax dan ahi ugu jirin. Waxaana Xisbiga UCID ugu baaqayaa inay ka joojiso ganacsatada la sheegayo inay ka qayb gelayaan, sababta oo ah Xukuumadda ayaa ka mas’uul ah la socodka horumarinta Gan Xisbiga UCID wuxuu hore uga digey in aan dawlada iyo ganacsatada somaliland midna ka qayb gelin.acsiga, Maalgashiga iyo Arrimaha Dibedda.

Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Wuxuu Ugu Baaqayaa Jaaliyada Reer Somaliland Ee Stockholm In ay Ka Soo Hor_Jeestaan Wax Kasta Lidi Ku ah Qaranimada Somaliland

Allaa Mahad Leh