Shirweynaha Beelaha Arab Ee (Afgarad 3) Oo 10 Ka Bishan Ka Furmi Doona Magaalada Bali-Gubadle + Diyaar Garawga Shirkaasi Oo Si Habsami Ah U Socda Iyo Ergooyinkii Oo Ku Soo Qulqulaya Baligubadle ,

0
Sunday June 08, 2014 - 22:50:48 in by salman abdi
  • Visits: 995
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynaha Beelaha Arab Ee (Afgarad 3) Oo 10 Ka Bishan Ka Furmi Doona Magaalada Bali-Gubadle + Diyaar Garawga Shirkaasi Oo Si Habsami Ah U Socda Iyo Ergooyinkii Oo Ku Soo Qulqulaya Baligubadle ,

    Waxaa maalmaha fooda inagu soo haya magaalada Bali_gubadle ee xarunta gobolka hawd si rasmi ah uga furmaya Shirweynaha Beelaha arab ee (Afgarad 3) waxaan si aad ah Deegaankaasi Gobolka Hawd aad looga dareemaya u diyaar garowga shirka Beelaha Arab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalmaha fooda inagu soo haya magaalada Bali_gubadle ee xarunta gobolka hawd si rasmi ah uga furmaya Shirweynaha Beelaha arab ee (Afgarad 3) waxaan si aad ah Deegaankaasi Gobolka Hawd aad looga dareemaya u diyaar garowga shirka Beelaha Arab

Waxaana lagu wadaa in uu si rasmi ah u furmo Salaasada inagu soo fooda leh ee Taariikhduna tahay 10/06/2014-ka lana soo gaba gabeeyen doono 13 Bishan.waxaana gudiga Qaban qaabada shirka ay diyaarinayaan goobihii la dajin lahaa Ergada iyo Bulshada kala duwan ee ka qayb galaya shirka Afgarad kuwaasi oo badiba dadkaasi ay soo gaadheen Magaalada Baligubadle.

Shirka ayaa goobta loo asteeyey in uu ka qabsoomo ay tahay meel 15 Kiiloo mitir u jirta Magaalo Madaxda Gobolka Hawd ee Baligubdle.

Ilaa hada sida aanu wararka ku saabsan qaban qaabada shirka Beelaha Arab Ergada ka qayb galaya ayaa waxaa loo qaybiyey 5 Qaybood ku waasi oo Ergo kastaa leedahay Goob gaara oo loogu soo hagaagi karo.

 

Geesta kale waxaa furitaanka shirka ka soo qayb galaya Masuuliyiin iyo Madax dhaqmeed ka socda dalalka Somaliland la Jaarka ah ee deegaan ahaan ka soo gobolka hawd iyo dad marti sharaf ah .

 

 

Shirkan Beelaha Arab ayaa waxaa u jeedadiisu la xidhiidha sidii ay Beeshu si wada jira uga tashan lahayd aayaheeda Mustaqbal,

dhinaca kale waxaa xusid mudan in ilaa hada qaban qaabada shirkaasi aanay ka dhex muuqan Masuuliyiinta Beesha ugu jira Xukuumada



Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contct@afkashacabka.com