Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamal Ali Hussein oo Dalka ku soo laabtay iyo So Dhoweyn Taariikhiya oo uu kala Kulmay Shacabka Reer Somaliland +SAWIRO

0
Monday June 09, 2014 - 15:20:50 in by Super Admin
  • Visits: 1933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamal Ali Hussein oo Dalka ku soo laabtay iyo So Dhoweyn Taariikhiya oo uu kala Kulmay Shacabka Reer Somaliland +SAWIRO

    Musharaxa Madaxwayne nimo ee xisbiga mucaradka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta dalka si wayn logu soo dhaweyay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa Madaxwayne nimo ee xisbiga mucaradka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta dalka si wayn logu soo dhaweyay,

Murrashaxa Madaxweyne Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inaanay doorasho bilaa diwaangelin ah galeyn, isaga oo xusay qofka ku hamiyaya in la galo doorasho bilaa diwaangelin ah ay tahay hawo been ah.

Sidaa waxa uu Jamaal Cali Xuseen ku sheegay kadib markii maanta dalka dib ugu soo noqday, isaga oo qolka nasashada ee Madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa.

666666666666666666666666

Murashaxa Madaxweynaha Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ka waramaya waddamada uu safarka ku soo maray ayaa waxa uu yidhi "Waxaan ku maqnaa safar qaatay mudo laba bilood iyo badh ah waxaanan soo maray dhawr wadan oo kala ah Maraykanka, Canada, Ingiriiska Iyo Australia, safarkayguna waxa uu la xidhiidhay danta qaranka iyo danaha xisbiga Ucid, intii aan joogay wadamadaasi waxaan la kulmay dhamaan dadka reer Somaliland ee ku nool wadamadaasi, waxaanan iska xaal waraysanay halka uu dalku marayo, waxa kale oo aan kulamo la qaatay qaar ka mid ah wasaaradaha arimaha debada iyo deeq bixiyayaasha qaarkood waxaanan kala hadlay xaalada Somaliland sida wadanka Ingiriiska oo aan kala hadlay caawimada ay siiyaan Somaliland waxaanay dawlada Ingiriisku noo muujisay inay taageero u hayaan Somaliland haday tahay doorashooyinka Somaliland ee dimuqraadiyada ku dhaca iyo haday tahay sidii ay awalba u caawin jireen Somaliland dhinaca arimaha bulshada.”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi"Waxa kale oo aan la kulmay wasaarada arimaha debada ee Australia waxaanan kala hadlaynay arimo la xidhiidha danta qaranka,waxaanan ogaanay in caawimooyin badan oo ilaa $10,000 ah oo loogu tala galay Somaliland iyo somaliya inay bixinayaan, markaas waxaanu kala hadalnay baahiyaha ka jira Somaliland iyo Somaliland tahay dal nabad ah oo dimuqraadiyadi ka jirto una baahan tahay in la nabada ka jirta wax lagu siiyo, baahiyaha aanu ka hadalnay waxa ka mid ah in dalka Australia waaya aragnimada uu u leeyahay dhinaca beeraha,xoolaha iyo biyaha uu uga faa,iideeyo Somaliland oo uu lacagta loogu tala galay si toos ah u galiyo, waxaanan awooda saarnay dhinaca biyaha oo aanu aad cabasho u gaadhsiinay, waanay nala qaateen, waxa kale oo aan la kulmay hay’ad indhaha ka caawisa caalamka gaar ahaana qaarada Afrika oo ay 20 wadan oo ay ku jirto Ethiopia ka caawisa kuwaas oo u tababara dad ku takhasusay dhinaca indhaha, waxaanan ognahay inay indho la,aantu tahay xanuun la dawayn karo , waxaanay noogu bala qaadeen inay 8 qof waxbarasho dhinaca indhaha ah siin doonaan taasna iyaga ayaa wadanka iman doona oo xulan doono.”

"Waxa la yidhi cadaalada iyo sharcigu waa laba shay oo is dulsaaran, umadana waxa haga waa labaas shay waana in xaqa lagu shaqeeyo, dadkeenana dhibaatooyin badan ayaa dhinaca cadaalada ka haysta haday tahay dhinaca maxkamadaha iyo haday tahay dhinaca sharciga oo laga talaabsanayo, dawlad iyo shacaba waa laga talaabsanayaa, dadkuna waxay dawlad ku noqdaan marka ay sharcigooda ilaalinayaan, dawladana waxa laga doonayaa inay sharciga raacaan.”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Md. Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayey hab-dhaqanka ciidanka RRU-da, waxaanu yidhi "Waxaad aad uga xumahay waxyaalahan imika inagu soo kordhay ee ah ciidankan habeenkii u daadanaya guryaha, dad waa weyn oo masuuliyiin ah oo sharaf mudan oo la garanayo oo uu ugu danbeeyey wasiir ku xigeenkii amniga ee wasaarada arimaha gudaha Cabdilaahi Abokor, cismaan Awr Liqe iyo badhasaab ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed iyo dad kale oo karaamo iyo sharaf lahaa ayaa guryahoodii loo daatay,waana wax ku cusub Somaliland, ciidanka RRU-duna waa ciidan loogu tala galay la dagaalanka argagixisada laakiin dadka caadiga ah iyo dadka sharafta ku dhex leh umada maaha inay u daataan, xukuumadana waxaan ugu baaqayaa in dib loogu noqdo arimahaas waayo haday falalkani sii bataan isku dhac ayey keenaysaa taas oo khal khal galinaysa nabad galyadeena cadaalada iyo sharciguna maaha kuwo wanaagsan.”

"Waa ILAAHAY mahadii oo waxaanu mahad naqayaa golaha guurtida waxaanan leeyahay idinku xilkiinii waad ka soo baxdeen Somaliland-na way ku soo caano maashay nabad galyadaas iyo idinka oo mar kasta ka shaqaynaya, waad ogtihiin oo xisbigii Udub waxa uu ku burburay xaq daro iyada oo madaxdii xisbigu ay madaxa iskaga duubtay, taasina waxay hogo tusaale u tahay Kulmiye oo waxyaalaha la arkayaa ka socdaan, waxay hogo tusaale u tahay Ucid iyo Waddani oo haday bari waxyaalaha noocan oo kale ahi ka dhacaan sumcad daro iyo ceeb ayey ku tahay dimuqraadiyadeena, guurtidana waxaan leeyahay xisbiga dhexdiisa arinkani waxa uu ahaa kiniinka Asporo oo la siiyey oo xanuunka biinaya xiligaas, laakiin guntii looguma dhaadhicin oo lama dhiyin khilaafka xisbiga, marka kiniinkaasi ka baxana wixii dhici doona garan mayno marka waxa wanaagsan in sharciga la raaco, xisbiguna sharci ayuu leeyahay kala danbayna wuu leeyahay mana ah in cid gaari maroorsato waana in dadku isku duubnaadaan oo sharciga la daba fadhiisto, asxaabta kalana waa inay ku cibro qaataan.”Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

Dhinaca kale musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu soo jeediyey in layska daayo khilaafaadka soo noq noqda ee wadanka hadheeyey labadii sano ee ugu danbeeyey, lagana hawl galo horu marinta wadanka waxaanu yidhi "Labadii sano ee u danbeeyey wadanka waxa ka dhacayey muranada sharciga, mar baarlamaanka iyo dawlada ayaa is qabsanaya, marna xisbiyada iyo mucaaridka ah iyo dawlada ayaa is qabsanaya,marna xisbiga talada hayey dhexdiisa ayaa is qabsanaya, marna qoladii sharciga iyo dawladii ayaa is qabsanaya, waxaanad moodaa in laga dhamaan waayey is qabsi, dalkeeniina waxa uu inaga sugayaa horu mar iyo wanaag, waxaynu nahay dal bilaa biyo ah,bilaa cunto ah bilaa shaqo ah, dhalinyaradiina jaamacadaha ayaye ka soo baxayaan shaqana ma haystaan.”

Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu sheegay inaanay galayn doorasho bilaa diwaangelin ah, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi "Qofkii ku hamiyaya in la galo doorasho bilaa diwaan gelin ah hawo been ah weeyaan,mana galayno doorasho bilaa diwaan gelin ah, tii hore ayaanu soo aragnay boobkii iyo hagardaamadii iyo dhibkii ka dhacay ayeynu soo aragnay, xisbiyada mucaaridka ahna waxa ka go,an in doorashada diwaan gelin lagu galo, waxaana qorshaysan in la bilaabo bisha Septenber mana aha wax wakhti badan soconaya, waana wax aan afar bilood ilaa shan bilood ka badnaan Karin.”


DSC00494

DSC00496

 

 

DSC00498

 

DSC00504

DSC00510

DSC00512

DSC00514

DSC00495

DSC00501

DSC00507

DSC00513

DSC00526

DSC00521










































































































































































































Afkashacabka.com

Berbera/ Office

Contact@afkashacabka.com