Hooyadu Waa Macallinka Ugu Wanaagsan Ee Nolosha Qofka, Guulna Uu Ku Gaadhi Karo

0
Tuesday February 18, 2014 - 09:23:09 in by Super Admin
  • Visits: 1847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyadu Waa Macallinka Ugu Wanaagsan Ee Nolosha Qofka, Guulna Uu Ku Gaadhi Karo

    Hooyo Dharka u dhaqda xaafado kale oo nolol adag ku korisay wiilkeedi, iyo wiilkeedi oo heer sare gaadhay una shaqo tegey Shirkado Caalami ah QISO QIIRO LEH

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hooyo Dharka u dhaqda xaafado kale oo nolol adag ku korisay wiilkeedi, iyo wiilkeedi oo heer sare gaadhay una shaqo tegey Shirkado Caalami ah QISO QIIRO LEH

Hooyadu Waa Macallinka Ugu Wanaagsan Ee Nolosha Qofka, Guulna Uu Ku Gaadhi Karo 

Wiil dhallinyaro ah oo aqoontiisu ilaa heer jaamacadeed gaadhsiisan tahay, ayaa shaqo maareeyenimo xarraystay mid ka mid ah shirkadaha caalamka ugu waaweyn, gaar ahaan waddamada carabta.

Wiilkan yar markii uu ka mid noqday u tartamayaasha shaqada ee shuruudaha waxbarasho buuxiyey, waxa laga qaaday warraysi, kadib wuu baasay. Waxa uu u gudbay marxaladii ugu dambaysay ee maamulaha shirkadu uu qadaayey warraysiga shaqo si go’aanka ugu dambeeya loogu qaato.

Maamulaha intii uu warraysiga ku jiray ee uu baadhitaankana ku hayey taariikhda waxbarasho ee wiilkan, waxa uu la yaabay aqoontiisa wanaagsan iyo dhibcaha uu ku bixi jiray dugsigiisii sare ilaa intuu jaamacada dhammaysanaayey.

Maamulaha shirkaddu waxa wuu wiilkii yara waydiiyey; "Waliga waxbarasho bilaash ah dugsiga ma lagu siiyey,” wiilkii wuxuu ugu jawaabay; "Maya"

Maamulihu wuxuu haddana ku celiyey; "Ma aabbahaaba kaa bixin jiray lacagta dugsiga?”, wiilka dhallinyarada ahaa waxa uu u celiyey; "Abbahay wuxuu geeeriyooday markii aan hal sanno jiray, hooyaday baana iga bixin jirtay waxbarashada.”

Maamulihii shirkadda uu wiilku u shaqo doontay waxa uu ku celiyey; "Xaggay hooyada ka shaqayn jirtay,” wiilkii wuxuu ugu jawaabay; "Hooyaday dharkay dadka u maydhaa,” waxaannu ninkii maamulaha ahaa ka codsaday wiilka yar inuu gacmihiisa tuso, waxaannu maamuluhu arkay wiilka yar gacmihiisa oo jilicsan, wax dhaawacyo ahna ka muuqan.

Maamulaha shirkaddu wuxuu wiilkan ka codsaday bal inuu waligii hooyadii ka caawiyey dhar maydhista, balse wiilku wuxuu ugu jawaabay; "Maya, hooyaday, inta badan waxay dooni jirtay inaan wax barto duruustaydana akhristo.”

Ninkii maamulaha ahaa wuxuu wiilkii yara ka codsaday inuu tago, kadibna hooyadii gacmaha u maydho, barina ku soo noqdo. 

Wiilkan yar wuxuu u malaynaayey in jaaniska fursad ee shaqada uu ku helaayey meel fiican maraayo, markii uu noqday waxa uu si farxad leh hooyadii uga codsaday inuu gacmaha u maydho, hooyadii aad bay u yaabtay, farxadna way muujisay, waxaanay tustay wiilkeeda gacmaheeda. 

Wiilkii wuxuu nadiifiyey gacmihii hooyadii. Ilmo ayuu xejisan kari waayey, sababtoo ah waxxa uu arkay gacmaha hooyadii oo adkaaday, dhaawacyo badana soo gaadheen, mararka qaarna way damqanaysay markuu u maydhaayey, waxaannu xaqiiqsaday in gacmahan yihiin kuwa u saamaxay inuu wax barto, kadib markii uu gacmaha maydhistooda dhammeeyey wuxuu maydhay maryihii hooyadii.

Maalintii ku xigtay wiilkii wuxuu u tegay maamulihii shirkada sidii ballantu ahayd, waxaannu ninkii maamulaha ahaa arkay wiilkii oo wali ilmaynaya, waxaannu waydiiyey "Ma ii sheegi karta wixii aad shalay baratay ee aad qabatay?

Wiilkii wuxuu ku jawaabay; "Waxaan nadiifiyey gacmaha hooyada iyo maryihii baaqiga u ahaaba.”

Wuxuu maamulihii ku celiyey "Fadlan ii sheeg dareenkaaga iminka?

Wiilkii wuxuu ku jawaabay qodobada;;

1. Waxaan gartay waxa qiimuhu yahay, hooyaday la’aanteed wax guul ah maan gadheen

2. La shaqaynta hooyada iyo la joogeeduba waxaan ogaaday sida ay u adag tahay in la ogaado

3. Waxaanan halkan u imi inaan kaaga mahadnaqo qiimaha qoysku leeyahay ee aad i tustay.

Maamulihii wuxuu ku jawaabay; "Waxaasi waa waxa aan raadinaayo inuu noqdo mareeyahayga da’da yar, waxaanan doonaya inaan shaqaalaysiiyo qof u bogi kara caawimada dadka kale u fidiyaan. Qof ogaan kara xannuunka shaqo ee dadka kale haya, qof aan lacagta danihiisa ku fulin balse deeqsi ah.