Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay xalka laga gaadhay khilaafkii xisbiga talada Haye ee Kulmiye

0
Monday June 09, 2014 - 22:45:30 in by salman abdi
  • Visits: 1016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay xalka laga gaadhay khilaafkii xisbiga talada Haye ee Kulmiye

    Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay xalka laga gaadhay khilaafkii xisbiga talada Haye ee Kulmiyey inuu ku faraxsan yahay maadaama oo la badbaadiyey burbur ku yimaadda xisbul-xaakimka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay xalka laga gaadhay khilaafkii xisbiga talada Haye ee Kulmiyey inuu ku faraxsan yahay maadaama oo la badbaadiyey burbur ku yimaadda xisbul-xaakimka.

Suldaan Maxamed, waxa uu Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE ku hambalyeeyay soo afjaridda khilaafkaasi, oo uu sheegay inuu sidoo kale badbaado u yahay khatar amni ku keeni karayey shacabka reer Somaliland.

 

Suldaan Maxamed oo shalay u waramay Warbaahinta Qarkood  ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya xallinta khilaafka KULMIYE, waxa uu yidhi "Anigu, aad-baan u hambalyeynayaa heshiiskaa ay gaadheen, waayo annaga khilaafkooda iyo burburkoodu waxba noogama faa’iido ah”

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa kale oo uu sheegay "Markaa Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waan ku hambalyeynayaa aqbalaadda uu aqbalay arrintii aanu u soo jeedinay ee Guurtidu naga deba qaadatay..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Khilaafku tanaasulka ayuu ku soo afjarmayey, taana Muuse wuu gartay waanan ku hambalyeynayaa Muuse Biixi, badbaadada uu ummadda badbaadiyey…”

 

Suldaan Maxamed, waxa kale oo uu xusay "Madaxweynaha iyo Muuse Biixi, waxaan mar labaad ku hambalyeynayaa heshiiskaa aad ka gaadheen khilaafka ee aad xalkiisa gaadheen, waayo xisbul-xaakimka burburkiisu innaga ayuu ceeb innagu yahay..”ayuu yidhi.




Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com