
Daawo: Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Maxamed Bixi Yoonis oo BBC da uga warramay Kubiiritankoda Waddani iyo Xilalka la siiyey
Hogaamiyaha Xisbiga waddani Md Xirsi aya sharraxay qaabdhismeedka cusub ee waaddani iyo faraqa u dhexeeya Hogaamiye iyo Guddomiye
Wasiirkii hore ee wasaarada madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xassan oo ka mid ah siyaasiyiinta Isbaheysiga Kulmiye oo maalintii shalay aheyd shaaciyey in ay si rasmi ah ugu biiren xisbiga Waddani ayaa waxaa uu ka hadley mansabka siyaasadeed ee uu xisbigaasi ka qaatey iyo awoodihiisa .
Sidoo kale waxaa uu Siyaasi Xirsi sheegay in aanu jirin wax tartan ah oo ka dhaxeeya gudaha siyaasiyiinta ku bahoobey xisbiga Waddani balse u jeedkoodu yahay sidii ay u awooda isku dari lahayeen waxaana siyaasi uu ku sheegay wareysi oo maanta siiyey idaacada BBC da waxaana uu yidhi
” Xisbigu waxaa uu leeyahay qaab dhismeed , anaguna qaab dhismeedkii hore u jiray iyo mid kale oo aanu ku darneyba waanu isla qaadaney , qaab dhismeedka xisbigana in la bedelaa oo xisbiyadu hanaan maamul oo kala duwan ay sameeyaan waa wax dunida oo dhan ka jira ” ayuu yidhi
Sidoo kale Siyaasi Xirsi oo ka hadlaya awooda uu leeyahay mansabka siyaasadeed ee uu xisbiga Waddani ka qaatey ayaa waxaa uu yidhi
"Awoodaha xilkaas waxaa lagu cadeyn doona shir weynaha golaha dhexe , mana jiro tartan naga dhexeeya xisbiga ee waxaanu dooneynaa in aanu awooda isku darno oo dhamaantayo wada adkaano ee aanan kala adkaanin ” ayuu hadalkiisii ku soo kobay siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xassan. Sidoo kale Wasiirkii hore ee arrimaha debadda kana mid ahaa murashaxiintii Xisbiga KULMIYE Maxamed Biixi Yoonis ayaa tilmaamay waxyaabaha ay ku soo kordhin karaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI, wuxuuna sheegay inay dalka ku badbaadinayaan Xisbigan. Labadan siyaasi oo wareysi siiyy wariye Axmed Siciid Cige oo ka tirsan laanta afka Somaliga ah ee BBC-da. Hoos ka dhagayso codadka waraysigii BBC-da.
Daawo: Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Maxamed Bixi Yoonis oo BBC da uga warramay Kubiiritankoda Waddani iyo Xilalka la siiyey
Hogaamiyaha Xisbiga waddani Md Xirsi aya sharraxay qaabdhismeedka cusub ee waaddani iyo faraqa u dhexeeya Hogaamiye iyo Guddomiye