Topnews:Abaalmarinta Nobel Peace Prize oo la siiyay Madaxweyne Caan ah

0
Friday October 07, 2016 - 15:44:49 in by Burco Office
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Topnews:Abaalmarinta Nobel Peace Prize oo la siiyay Madaxweyne Caan ah

    Abaalmarinta Caalamiga Nabada ee Nobel Peace Prize ayaa la siiyay Madaxweynaha dalka Colombia , Juan Manuel Santos, kadib markii uu dadaal badan u galay sidii loo soo afjari lahaa colaada mudada fog ka aloosneed dalkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaalmarinta Caalamiga Nabada ee Nobel Peace Prize ayaa la siiyay Madaxweynaha dalka Colombia , Juan Manuel Santos, kadib markii uu dadaal badan u galay sidii loo soo afjari lahaa colaada mudada fog ka aloosneed dalkiisa. Madaxweyne , Juan Manuel Santos, ayaa heshiis Taariikhi ah oo lagu soo afjarayay Colaada dalka Colombia ka socotay mudo ka badan 50-sano, dhawaana la gaaray falaagada FURC ee dalkaasi ka dagaalameysay.

Guddoomiyaha Guddiga Abaalmarintan ee dalka Norway , Kaci Kullman Five, ayaa sheegtay in Mr Santos uu billaabay wadahadallo markii dambe horseeday heshiis nabadeed oo lala galay jabhadda FARC.

Kaci Kullman, ayaa tilmaantay sababta ay ku doorteen Madaweynaha Colombia in ay aheed dadaalka uu u galay sidii loo soo afjari lahaa colaada dalkaasi ka aloosneed, waxa ayna niyad jab ka muujisay in Heshiiskaasi dadkii aftida u qadaay ka hor yimaadeen.

Abaalmarinta Caalamiga Nabada ee Nobel Peace Prize , oo sanadkiiba mar la bixiyo ayaa inta badan la siiyaa dadka loo arko in Caalamka ka dhax muuqdaan gaar ahaan dhinaca ka shaqeynta Nabada iyo Arimaha bulshada.